Arjen Robben Oo Qaaday Dariiqii Riquelme, Dirk Kuyt, Marquez Iyo Henrik Larsson – Muxuu Sameeyey?

Halyeygii xulka qaranka Netherlands iyo kooxaha Bayern Munich, Chelsea iyo Real Madrid ee Argen Robben ayaa dib usoo xidhay kabaha kubadda cagta oo uu ka fadhiistay xili ciyaareedkii hore, waxaanu Sabtidii si ku biirtay kooxdii uu kasoo bilaabay ciyaaraha ee Groningen oo uu heshiis hal sano ah u saxeexay.

Robben oo ay da’diisu tahay 36 jir, waxa uu xili ciyaareedka 2020-21 kusoo laaban doonaa isaga oo xidhan funaanadda No.10, waxaanu muddo sannad ah taageereyaasha kusii madadaalin doonaa garoomada, iyadoo tababarkii ugu horreysay ee lagu arkay intii uu kusoo laabtay ciyaaraha uu durba ku dhaliyey gool la mid ah kuwii uu caanka ku ahaa ee inta uu dhinaca midig kala soo galo, uu kubadda ku qalloocin jiray goolka.

Laacibkan ayay hawl-gabnimadiisa soo dedejiyeen dhaawacyo dhawr ah oo sannadihii ugu dambeeyey soo gaadhay, kuwaas oo ku qasbay inuu ku fikiro inuu ciyaarahaba iskaga fadhiisto halkii uu u dhaxayn lahaa miiska daaweynta dhaawacyada iyo garoonka, kooxdiisana dhibaato ku hayn lahaa.

Hadal kooban oo uu warbaahinta siiyey ayuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay in naadigii uu ciyaaraha ka bilaabay uu kaga fadhiisto, laakiin arrinta uu ciyaaryahanno kale oo hore uga fadhiistay kubadda uu kula mid noqday ayaa ah inuu kusoo laabtay ciyaaraha oo uu hore uga fadhiistay, isla markaana uu kooxdiisii carruurnimada mar kale u ciyaaray.

Waxa hore sidan oo kale u sameeyey Juan Roman Riquelme oo isaga oo ka fadhiistay ciyaaraha dib heshiis ugu saxeexay kooxdii carruurnimadiisa ee Argentinos Juniors.

Sannado uu ku qaatay Barcelona, Villarreal, Boca Juniors iyo kooxo kale, waxa uu Riquelme dib u xidhay funaanadda Argentinos Juniors.

Sidaas oo kale waxa sameeyey halyeygii Liverpool ee Dirk Kuyt oo xilli uu ciyaaraha kasii maqnaa dib u xidhay funaanadda kooxdiisii Quick Boys ee xilligii uu 13 jirka ahaa uu u dheeli jiray.

Difaacii Barcelona iyo xulka Mexico ee Rafael Marquez ayaa sidaas oo kale ugu biiray naadigii yaraantiisa ee Atlas, halka Juan Pablo Angel uu waqti sii siiyey Atletico Nacional iyo weeraryahankii Manchester United, Celtic iyo Barcelona ee Henrik Larsson oo dib ugu soo xidhay kabaha kooxdii yaraantiisii ee Hogaborgs.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*