ARAGTIDA QORAAGA: Mikel Arteta Hal Hakaga Daydo Lampard, Laba Pep Guardiola, Saddexna Jurgen Klopp Hadii Uu Rabo Inuu Ku Najaxo Arsenal.

Advertisements

Arsenal waxey ku dhawaaqday in tababare rasmi ah ka dhigato Mikel Areta kaas oo muddo 5-sanadood ah soo xirtay maaliyada Gunners, sidoo kalana mar xirtay marada xushmadda kooxda, balse taas kama dhigna inuu mudnaan gaar ahaaneed ku heli doono hadii uusan waxba kusoo kordhin kooxda, waayo cidna ma fileyso xushmad uu heli waayay Arsene Wenger inuu heli doono Arteta hadii uusan waxba ka badalin xaaladda xun oo ay kooxdiisii hore ku jirto.

Arsenal qofka ay u baahan tahay fikiro badan ayaa laga aaminsan yahay, balse nasiibka iyo waxa uu qof mudan doono cidna ma oga, Pep Guardiola ayuu ahaa in lagu aaminay Barcelona isagoo jira da’da uu hadda joogo Mikel Arteta, aan helin khibradda uu Arteta ka dhaxlay isla Pep muddo laba sanadood ah, sidoo kalana kabtankii hore Barcelona wuxuu ahaa mid kaliya hal sano leyliyay kooxda Barcelona B markii lagu aaminay kooxdii aduunyada qastay ee Balaugrana.

70% dadka kubadda cagta waxey u arkeen in kooxda loogu dhiibay inuu yahay Spain hadana Catalonia kasoo jeeda, yahay xiddig hore kooxda usoo maray, isla markaana uusan aheyn kii ku haboonaa kooxda oo markaas xaalad isku dhex yaac ah ku jirtay.

Guardiola wuu guuleystay 4-sano uu maamulayay kooxdaas wuxuu hantay 14-koob, wuxuuna faa’iido badan ka sameeyay kooxdii dahabiga aheyd ee ku sugneed Camp Nou, wuxuu banaanka soo dhigay sida uu u yahay tababare fiican oo maamuli kara ciyaartoy fiican.

Balse sheekada Mikel Arteta waa ka duwan tahay, waxey kaga duwan tahay mucjisooyinkii Camp Nou joogay ma joogaan Emirates, horyaalkuna maahan La Liga, kooxda Gunners ee hadda waxey baahi weyn u qabtaa in la isku soo aruuriyo, loo dhiso niyadda, hadana si tartiib tartiib ah loosoo celiyo laga dhigo kooxdii xooganeyd ee mar ka tilmaaneed kooxaha kale ee yurub iyo Ingiriiska.

Jamaahiirta Gunners waxey noqdeen kuwa xanuunka u nugul, uma adkeysan karaan guuldarooyin iyo dhibaato kale, mana lahan dulqaad ay hadda kadib macalin ku sugaan, hadii ay kaga jeedi waayaan sida ay xal u arkaan mar walba.

Aniga ahaan Mikel Arteta wuxuu heli doonaa fursad uu ku raaco wadada Jurgen Klopp kaas oo loo dhiibay koox ay joogaan ciyaartoy aan lagu tartami karin, waliba kooxda uu ku dhiiraday macalinka Jarmalka ah iyo kooxda Arsenal ee hadda waxaa in badan lagu faani karaa kooxda Gunners ee hadda, balse waa qasab inuu ka takhaluso magacyada waaweyn ee kooxda u ekeysiiyay mid weyn.

Mikel Arteta wuxuu isku aadin karaa Arsenal, waayo waxey heystaan ciyaartoy tayo badan oo dhalinyaro ah kuwaas oo fulin kara amarka macalinkooda, waxaana hubaal ah in kooxda ay u baahan tahay iney maamulka ka saacidaan inuu si tartiib tartiib ah u dhisto kooxdiisa isagoo ku dabaqaya falsafadiisda oo la tuhunsan yahay ineysan ka fogeyn midda Guardiola, balse la ogaan doono markuu howsha dhex galo, waxaanse cabsi ka qabaa hadey noqoto midda Guardiola inuu u baahdo hanti badan si uu wax badan u fuliyo.

Sida uu mar walba u dhinac fadhiyo Guardiola, talooyinka u siiyo, waxaan is leeyahay wuxuu wax badan ku lug leeyahay habka kooxda Manchester City, sidoo kalana wuxuu wax badan ka fahamsan yahay habkii laga dhaxlay Johan Cruyff, balse hirgalinta ayaa muhiim ah waxa uu qofka maskaxdiisa ku heysto.

Waxaan oran lahaa Mikel Arteta hal arrin hakaga daydo Frank Lampard, ha eryo ciyaariyahan walba oo qaan gaar ah kaas oo aan laheyn xasilooni lagu maamulo, sidoo kalana u sameysan iney tababarayaasha dhalinyarada ah ee da’ ahaan u dhaw si kibir ah ula dhaqma, Frank wuxuu sidaas ku eryay David Luiz.

Sidoo kale laba hakaga daydo Pep Guardiola, waa inuu aamino dhalinyarada akadeemiga ah ee kasoo baxay xerada kooxda hadiiba ay jiraan kuwa lagu heyn karo kooxda koowaad, ama dhalinyarada awooda leh ee kooxda soo iibsatay, sidoo kale inuu si fiican u barto qiimeynta ciyaartoyda uu u baahan yahay ee ku haboon falsafadiisa, waaba hadii uu helo ballan qaad in la siinayo lacago kooxda ay ciyaartoy kusoo iibsato.

Saddex hakaga daydo Jurgen Klopp, inuu saaxiib dhaw la noqdo maamulka suuqa kooxda u qaabilsan si uu fariintiisa fudud ugu gudbiyo, inuu saaxiibtinimo la sameeyo ciyaartoyda kooxda kuwooda diyaarka u ah iney raacaan habkiisa, kooxdana daacadda u noqon kara, inuu noqdo macalin shaqsiyad adag oo si kali ah u gaara go’aamada adag ee ku saabsan kooxdiisa.

Arteta waxaan aniga u arkaa macalin guulo waaweyn gaari kara hadii uu xanaano fiican oo dhan walba ah ku helo Arsenal, sidoo kalana uu kaga daydo macalimiinta aan soo sheegay ee horyaalka la jooga waxyaabaha ay ku guuleysteen.

Habka uu hadda u nool yahay ayaan u arkaa si heer sare ah, wuxuuna leeyahay tilmaamo lagu garto macalin u socda heer sare markaan cabiro sida uu saameynta ugu lahaa guulahii Manchester City ee labadii sano ee lasoo dhaafay.

Advertisements

Balse Arsenal in kor loo qaado waxaa ku xeyndaaban darbi weyn oo u baahan inuu qofi ku jabiyo kartidiisa, nasiibkiisa, dulqaadkiisa iyo dadka ku xariira sidey ula dhaqmaan.

 

ARAGTIDA: Abdirashid Mohamud Nor “SHarDinHO”

Leave a Reply

Your email address will not be published.