“Anigu Waan Jecelahay Ku Ciyaarista Anfield” – Xiddig Manchester City Ah Oo Ku Dooday Inuu Xiiseeyo Wajahista Jamaahiirta Casbida Badan Ee Liverpool.

Advertisements

Kahor kulanka la sugayo ee ay caawa Manchester City iyo Liverpool isku faro saari doonaan Anfield, Khadka dhexe ee City Kevin De Bruyne ayaa sheegay hadal xiiso badan oo uu ku xusayo sida uu u jecel yahay ku ciyaarista gegidaas ay martida ku yihiin.

Kooxda difaacanaysa horyaalka ayaa Reds caawa booqanaysa iyaga oo og in guuldarro ay la kulmaan ay ka dhigi doonto kuwo sagaal dhibcood hoggaanka horyaalka lagaga hayo kaddib 12 kulan.

Image result for De Bruyne Anfield"

Intaa waxa dheer in Anfield uu meel Man City lagu ugaadhsado soo ahaa mudooyinkii ugu dambeeyay maadaama oo ay kaliya hal guul kusoo gaadheen ilaa sanadkii 1981.

Iyadoo ay sidaas tahay kooxdiisuna ay dhibaato ku qabto Anfield ayuu De Bruyne shaaca ka qaaday inuu jecel yahay buuqa iyo sawaxanka ay sameeyaan jamaahiirta Liverpool oo uu doonayo inuu ku hor ciyaaro.

KDB oo ka warramaya Anfield ayaa yidhi “Haddii aad tahay qof doonaya inuu koobab u tartamo oo uu ku guuleysto, Kuwani waa kulamada aad doonayso inaad ciyaarto”.

Advertisements

“Anigu waan jecelahay Anfield, In badan ayaan jecelahay, Waan jecelahay inay dadku kasoo hor-jeedsadaan, Waan jecelahay sawaxanka, Taasi waa dhammaan waxa ay ku saabsan tahay, Waan jecelahay dareenka xamaasadeed ee kubadda cagta”.

“Ciyaartoyda garoonkooga la joogo ayaa waxoogaa (Taageero) badan hela laakiin xataa haddii ay kasoo horjeedaan waxaad tahay midka ugu sarreeya dunida, Waxaad ka ciyaaraysaa heerka ugu wanaagsan, Taasi waa waxa aad doonayso”.

7 responses to ““Anigu Waan Jecelahay Ku Ciyaarista Anfield” – Xiddig Manchester City Ah Oo Ku Dooday Inuu Xiiseeyo Wajahista Jamaahiirta Casbida Badan Ee Liverpool.”

    • Inaa fahantan isku dya ninkan waa taagere liverpool de buryn jacelkisu wa tegerayaasha see udhiiri galiyaan ciyartoyda iyo sidee daren ahaan kor ugu qadan jawiga garoonka wuu jecelyahay mar inuu ku hor ciyaryo tageeraysha liverpool

  1. Waan jeclahay inaan arko taageero liverpool oo oynaayo misane la aamusiin la yahay kdb caadi mahan