“Aniga Ma Ahi Boliis” Thomas Tuchel Oo Baabi’iyay Sharciyadii Waalida Ahaa Ee Frank Lampard Ee Chelsea – Muxuuse Ka Yiri?

Thomas Tuchel ayaa ciyaartoyda ka daayay sharciyadii adkaa ee uu ku soo rogay tababarihii isaga ka horeeyay ee Frank Lampard, waxayna taasi keentay isku duubni iyo inay kooxda gasho xaalad fiican.

Advertisements

Tababaraha Jarmalka ayaa u ogolaaday ciyaartoydiisa inay iyagu ismaamulaan marka laga hadlayo ilaalinta waqtiga inkastoo uu Frank Lampard soo rogay sharciyo adag oo lagu muteysanayo ganaaxyo waa weyn.

Tuchel ayaa meesha ka saaray ganaaxyadaas iyo sharciyadaas isagoo xitaa baabi’iyay sharcigii qasab ka dhigayay in ciyaartoyda ay huteel ku xaroodaan habeen ka hor kulankooda si ay waqti u la qaataan qoysaskooda.

Wuxuu sidoo kale maalmo gudaheed ku bartay magacyada ciyaartoyda kooxda koowaad iyo shaqaalaha garoonka tababarka si uu u abuuro jawi isku duubni ah.

Advertisements

Barbaro ay galaan ama guul ay ka gaaraan Leeds maanta ayaa ka dhigeysa in 12 kulan aan laga badin tababare Tuchel tan iyo markii uu noqday macalinka Chelsea.

Tababaraha lagu naaneeso The Professor oo ku caan baxay inuu la dagaalo madaxdiisa ayaa jawi deganaansho ah ku soo kordhiyay Chelsea.

Sharciyada Lampard waxaa ka mid ahaa in ciyaartoyda la ganaaxo 20 kun ginni haddii ay ka soo daahaan tababarka, waana lacag aad u badan xitaa haddii ay ciyaartoyda qaataan mushahar qaali ah.

Tuchel ayaa yiri: “Kama warqabin ganaaxyada. Laakiin marka ugu horeysay ciyaartoydeyda iyaga ayaan ku aaminay inay waqtiga ilaaliyaan, sababtoo ah waxaan nahay sida qoys.

“Waxaa ii muhiimsan inaan iyaga aamino oo aan ka dhaadhiciyo qiimaha waqti ilaalinta bedelkii aan sharci iyo ganaaxyo u dejin lahaa.

“Kama soo horjeedo ganaaxyada laakiin waa inay noqoto mid qolka labiska dhexdiisa ah oo ciyaartoyda waa weyn ay sameeyaan.

“Cid ka soo daahday kulanka kooxda ama tababarka weli ma jirto. Haddii ciyaaryahan uu yimaado 10:01 ama 9:59 anigu ma ahi boliis.

“Intaan daaqada ka eego ma hubinayo waqtiga ay yimaadeen, waxaan taas u deynayaa ciyaartoyda waa weyn iyo inay iyaga tusaale u jideeyaan.

“Haddii ay ciyaartoyda dhexdooda go’aansadaan inay lacag isku ganaaxaan islamarkaana ay lacagtaas kuwada casheeyaan ama dalxiis ku aadaan iyaga ayay jirtaa. Sidaas ayaan wax u sameynaa.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*