Xiddiga reer Brazil ee Neymar waxa uu xalay kooxdiisa Paris Saint-Germain kula guuleystay koobka Trophee des Champions (French super Cup), waxaana iyadoo uu beddel kusoo galay uu daqiiqaddii 85aad dhaliyey rikoodhe.
Kulankan oo ka dhacay Bollaert-Delelis ee magaalada Lens, waxay PSG 2-0 ku garaacday kooxda uu xafiiltanka weyni ka dhexeeyo ee Marseille.
Mauro Icardi ayaa goolka koowaad u dhaliyey kooxdiisa, ka hor inta aanu Neymar oo beddel kusoo galay hoggaanka usii dheeraynin, waxaana guushani ay noqotay koobkii ugu horreeyey ee Mauricio Pochettino uu kula guuleystay PSG iyadoo uu 11 maalmood oo kaliya hayey xilka.
Ka sokow guusha PSG iyo dabbaal-deggeeda koobka, waxay ciyaartani dib u istaadhay dagaalkii u dhexeeyey Neymar iyo laacibkii ay hore iskugu dhaceen ee Alvaro Gonzalez oo mar kale ay xalayna isku muruxsadeen.
Neymar ayaa bishii November ku eedeeyey Gonzalez inuu kula kacay cunsuriyad xilli loo taagay kaadh cas, waxaana xidhiidhka kubadda cagta Faransiiska oo baadhitaan ku sameeyey uu waayey caddaymo ku filan.
Neymar oo 25 daqiiqadood oo kaliya ciyaaray kulankii xalay ayaa ku maadsaday Gonzalez, waxaana isaga oo baraha bulshada isticmaalaya uu ku yidhi ereyo liiditaan ah oo uu hoos ugu dhigayo sumcadda uu laacibkani leeyahay.
Laacibka reer Brazil oo adeegsanaya baraha bulshada ayaa waxa uu u sheegay Gonzalez inuu caan ka dhigay oo uu baraha bulshada baray, isagoo usii raaciyey in aanu illoobin inuu koob ka qaaday.
“HE-HE… Ma fiican tahay Alvaro? Ha illoobin inaan koob kaa qaaday, walibana aan kaa dhigay caan. Kusoo dhawoow bahda caanka ah.” Ayuu yidhi Neymar.
Gonzalez ayaa ugu jawaabay: “Aniga waalidkaygu waxay i bareen sida qashinka la iskaga tuuray. Adiguna waxaad tahay qashin.”
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Hhhh xaqiqatan jawaab kuhaboon awsiiyay laxda laxdu dhashay oo ciyaal ciyaalka
Marqaati baan ka ahay kaas inuu qashin yahay
Ciyartu 2-1 ayay ku dhamatay si fiican isaga hubiya natiijada ciyaarta
Jawaab ku haboon ayuu siiyay