Andrea Pirlo Oo Kusii Dhawaanaya In Shaqada Laga Caydhiyo & Tababaraha Weyn Ee Ay Juventus Dookha Koowaad Ka Dhigatay

Kooxda ree Talyaani ee Juventus ayaa lagu soo warramayaa inay doonayso inay weerar ku qaado dhigeeda Real Madrid oo ay ka doonayso tababare Zinadine Zidane xilli uu culaysku kusii kordhayo macalinka haatan jagadeeda haya ee Andrea Pirlo.

Advertisements

Juventus ayaa badhtanka kaga jirta xilli ciyaareed aad ugu adag ilaa hadda iyaga oo tobban dhibcood ka dambeeya kooxda Serie A hoggaaminaysa ee Inter Milan xilli ay 11 kulan hadheen iyaga oo waliba dhawaan ka hadhay Champions League.

Haatan Juventus ayaa doonaysa inay dib usoo ceshato xilli ciyaareedka dambe horyaalka Serie A ee ay joogtada ugu soo guuleysanaysay iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya in Pirlo uu haysto hal kulan oo uu shaqadiisa ku badbaadsado kaddib guuldarradii lama filaanka ahayd ee Benevento kasoo gaadhay.

Sida uu sheegayo wargeyska Madrid kasoo baxa ee AS, kooxda lagu naanayso marwada duqda ah ayaa tababaraha dookheeda koowaad ka dhigatay Zidane xilli ay rabaan inay ka faa’idaystaan hubaanti la’aanta mustaqbalkiisa ka taagan.

Advertisements

Calaamad su’aal ayaa saaran mustaqbalka tababare Zidane ee Real Madrid maadaama oo ay ahaayeen kuwo aan qaab ciyaareedkoodu joogto ahayn xilli ciyaareedkan iyaga oo booska saddexaad kaga jira kala sarreynta La Liga oo lix dhibcood ka dambeeya Atletico Madrid.

Zidane ayaa ka ciyaaryahan ahaan kusoo raaxaystay shan xilli ciyaareed Juventus intii u dhaxaysay 1996 ilaa 2001 isaga oo 212 kulan usoo ciyaaray isla markaana laba horyaal Serie A kula soo guuleystay.

Laakiin Juventus ayaa tartan kula kulmi doonta xulka qaranka France kuwaas oo qudhoodu doonaya inay bedel uga dhigaan macalinka haatan ee Didier Deschamps.

Heshiiska uu Zidane kula joogo Real Madrid ayaa ah mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedka dambe, waraysi uu dhawaan bixiyay ayuu ku diiday inuu meesha ka saaro fursada uu ku baxayo.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*