Ancelotti Oo Weerar Ku Ah Chelsea, Arsenal Oo War Cad Ka Heshay Partey & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Advertisements

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. Idilkiinba salaan dhamaan akhristayaasha sharaftalahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii sida maalin laha ahaa aanu idiinku soo gudbin jirnay waxyaabaha ay wargaysyada yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ayaa si rasmi ah u furan waxayna koox kastaaba haysataa fursada ay ku samayn karto saxiixyo cusub oo ay xili ciyaareedka cusub kooxdeeda ugu soo xoojin karto.

Kooxaha qaar ayaa haddaba bilaabay in ay saxiixyo muhiim ah sameeyaan halka kuwo kale ay waqti badan ku qaadanayso in ay helaan bartilmaameedyo ku haboon kooxahooda.

Advertisements
Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Khamiis ah:

Tottenham Hotspur khadkeeda dhexe ee Dele Alli ayaa laga reebay liiska xiddigaha kooxdaas uga qayb galaya kulanka isreeb-reebka Europe League ee ay la yeelanayaan Lokomotiv Plovdiv xilli la sheegayo inuu bixi karo si uu boos kooxda ugaga baneeyo Gareth Bale oo soo laabanaya. (Mail)

Daafacii bidix ee Real Madrid ee Srgio Reguilon ayaa jooga xerada tababarka Tottenham kahor heshiiska 25-ka Milyan ee Pound ah ee uu ugu wareegayo kooxdaas. (Evening Standard)

Tababaraha Everton ee Carlo Ancelotti ayaa isha ku haya saxeexa daafaca dhexe ee Chelsea ee Fikayo Tomori balse sidoo kale doonaya inuu tiro xiddigo ah ka diro Goodison Park waxaana kamid ah Gylfi Sigurdsson iyo Fabian Delph. (Times – subscription required)

Manchester City ayaa diyaar u ah inay dalab ka gudbiso daafaca dhexe ee Manchester City ee Jose Gimenez haddiiba ay Napoli diido inay hoos u dhigto waxa ay ku doonayso iibka Kalidou Koulibaly. (Guardian)

Bur-buriyaha khadka dhexe ee Atletico Madrid iyo xulka Ghana ee Thomas Partey oo 27 sano jir ah ayaa kamida bar-tilmaameedyada sarre ee Arsenal balse Atletico ayaa ku adkaysanaysa inay kaliya iibin doonaan haddii 45-ka Milyan ee Pound ee heshiiskiisa ku xidhan la bixiyo. (Football.London)

Manchester United ayaa doonaysa inay garabka ree Ivory Coast ee Amad Traore oo 18 sano jir ah kala soo saxeexato dhinaca kooxda Atlanta. (Manchester Evening News)

Liverpool tababaraheeda Jurgen Klopp ayaa jeclaan lahaa inuu hal ama laba ciyaaryahan kala soo saxeexdo suuqa kahor inta uusan xidhmin 5-ta bisha October. (The Athletic – subscription required)

Leicester City ayaa ku dhaw saxeexa garabka kooxda Roma iyo xulka Turkey-ga ee Cengiz Under oo 23 sano jir ah. (Telegraph – subscription required)

Tottenham daafaceeda bidix ee Danny Rose ayaa ku dhaw inuu ku biir kooxda ree Talyaani ee Genoa kaddib markii ay Spurs wax lambar ah siin waayeen. (Mirror)

Barcelona tababaraheeda Ronald Koeman ayaa sheegay in kooxdiisu aysan dib ula soo saxeexanayn daafaca dhexe ee Manchester City ee Eric Garcia. (Manchester Evening News)

Arsenal ayaa doonaysa saxeexa goolhayaha kooxda Dijon ee Runar Alex Runarsson iyagoo rajaynaya in 1.5 Milyan Pound heshiiska lagu dhammayn karo. (Evening Standard)

Madaxweynaha kooxda Lyon ee Jean-Michel Aulas ayaa diiday wararka sheegaya in weeraryahan Memphis Depay uu ku dhaw yahay kooxda Barcelona (Evening Standard)

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*