“Qofna Naguma Xukumi Karo Da’, Laakiin Nagu Xukuma……” Kabtan Ramos Oo Farriin Adag U Diray Dadka Da’diisa Shakiga Ku Gelinaya

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ka hadlay arrimo la xidhiidha da’diisa xilli uu sheegay waxa ay tahay in lagu xukumo isaga iyo xiddigaha kale ee da’ ahaan weyn ee ay wada joogaan kooxdiisa.

Advertisements

Real Madrid ayaa xalay guul 3-1 ah ka gaadhay dhigeeda Atalanta kulanka lugta labaad ee wareega 16-ka Champions League iyadoo uu Sergio ahaa mid gool u bedelay rigoore lagu galay Vinicius qaybtii dambe ee kulanka.

Image

Real Madrid ayaa horeba hoggaanka ugu haysay natiijo 1-0 ahoo ay kusoo guuleysatay lugtii hore waxaana ay isku dar kaga adkaatay kooxda ree Talyaani natiijo 4-1 ah.

Ramos oo kulanka kaddib hadlay ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in natiijooyinku ay yihiin kuwo iskood u hadli kara isla markaana ay tahay in lagu xukumo isaga qaab ciyaareedkiisa balse aan lagu go’aamin da’diisa.

Advertisements

34 sano jirka hoggaanka u ah Los Blancos ayaa yidhi “Qofna anaga naguma xukumi karo da’ laakiin waxa nalagu xukumi karaa qaab ciyaareed, taasi waa waxa ay tahay inaad eegto”

“Ugu dambayntii marka aad sanado badan ku bixiso inaad daryeesho jidhkaaga,…..marka aad midho beerato waxaad ku dambaynaysaa goosashadooda”

“Qofna qof kuma xukumi karo da’, markasta waxaanu isku daynaa inaanu u ciyaarno sidayada ugu wanaagsan, dadku waa inay eegaan qaab ciyaareedka”

Ramos ayaa qayb ka ahaa shax saddex daafac dhexe ah oo uu Zidane xalay ku ciyaaray si uu u xakameeyo cadaadiska iyo weerarka badan ee Atalanta isaga oo la midaysnaa Nacho iyo Varane, Sergio ayaa aaminsan in taatikadaasi shaqaysay.

Hadalka Ramos uu kaga hadlayo arrimaha da’diisa ayaa ah mid imanaya xilli heshiiskiisa kooxdu uu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan isla markaana qandaraaskiisa cusub ay hor taagan yihiin caqabado ay isla da’du kamid tahay.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*