Garabka weerar ee kooxda Bayern Munich ee Kingsley Coman ayaa lagu soo warramayaa inuu ganaax kula kulmi doono inuu gaadhigiisa u gaarka ah ku tagay tababarka kooxdiisa taas oo ka dhigan inuu jabiyay sharci u yaala kooxdaas.
Sharciga uu jabiyay Coman ayaa ah inuusan tababarka ku tagin gaadhiga ay siisay shirkadda Audi oo heshiis kula jirta Bayern iyadoo qoddobada la isla meel dhigay ay kamid ahayd in xiddigaha kooxdu ay tababarka, kulamada iyo waxyaabaha la xidhiidha u kaxaystaan gaadhiga shirkadaas.
Coman ayaa la sheegayaa inuu la kulmi doono ganaax lacageed oo dhan 43 kun oo pound sababtoo ah inuu xerada tababarka kaga soo xaadiray gaadhigiisa gaarka ah ee Mercedes AMG isagoo ka yimid gaadhiga Audi ay siisay.
Sida uu sheegayo wargeyska Germany caanka ka ah ee Bild, agaasimaha ciyaaraha Bavaria ee Hasan Salihamidzic ayaa uga digay xiddigaha kooxdu inay tababarka ku yimaadaan gawaadhidooda bishii January ee sanadkii 2020.
Xiddigaha ayaa ah kuwo lagu ciqaabo inay 43-kaas kun ee Pound iska bixiyaan haddii ay qoddobkaas baal-maraan, Bild ayaa sheegaya in Kingles lagu sawiray isaga oo banaanka xerada tababarka dhigaya gaadhigiisa kaddib markii ay ilaaladu u diideen inuu gudaha la galo.
Warbixinta ayaa xusaysa in go’aanka uu Coman gaadhigiisa ku dhigay banaanku uu ahaa mid diidmo ah oo ka yimid ilaalada kooxda masuulka uga ah arrimahaas.
Maaha markii ugu horreysay ee uu xiddiga French-ka ahi ku fashilmay inuu sharcigaas sidiisa uga soo baxo isagoo hore gaadhigiisa Spider McLaren-ka ah ugu yimid tababarka.
Coman ayaa hore u bixiyay raali-gelin isaga oo sheegay in sababta uu gaadhigiisa Audi-ga ah uga yimid ay ahayd inay ka jabtay muraayada garabku (Wing-Mirror).
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora