Amad Diallo Oo Magacaabay Labada Xiddig Ee Manchester United Ee Uu Ka Codsan Doono Inay Waaniyaan

Advertisements

Saxeexa cusub ee Manchester United ee Amad Diallo ayaa sheegay inuu weydiisan doono labada ciyaartoy ee kooxdiisa ee Eric Bailly iyo Paul Pogba inay waaniyaan, talooyinna siiyaan.

19 jirkan oo Manchester United ay lasoo saxeexatay maalintii ugu dambaysay suuqii iibka ee xagaagii ayaa soo gaadhay Old Trafford toddobaadkan, waxaana sidaa dhigayay heshiiskii ay Red Devils kagala soo wareegaysay Atalanta.

Amad Diallo ayaa Arbacadii shalay markii ugu horreysay lagu sawiray xarunta tababarka Manchester United ee Carrington, halkaas oo uu kula hadlay warbaahinta, hase yeeshee waxa uu qorshuhu yahay in usbuucan uu tababarka la qaato kooxda koowaad si uu qayb uga noqdo qorshaha tababare Ole Gunnar Solskjaer ee inta ka hadhay xili ciyaareedkan.

Da’yarkan ayaa 35 daqiiqadood oo kaliya u ciyaaray kooxdiisii hore ee Atalanta xili ciyaareedkan socda, waxaanay taasi keeni doontaa inuu u baahdo waqti uu jidh ahaan iskugu diyaariyo iyo inuu tababare Ole Gunnar Solskjaer ku qanciyo inuu siiyo fursad uu isku muujiyo.

Amad Diallo oo u warramayay website-ka Manchester  United ayaa waxa  uu magacaabay labada ciyaartoy ee uu talada weydiisan doono inta uu joogo Manchester United, kuwaas oo u ah ciyaartoyda uu ku dayan doono, waxaanu yidhi: “Xaqiiqdii, Eric ayaa ii noqon doono hal-beeg. Hore ayaan xidhiidh ula lahaa bilihii ugu dambeeyey, waananu wada-hadli jirnay.

“Isaga ayaan waano/talo weydiisan doonaa, waxaanan dhegaysan doonaa wax walba oo uu ii sheegay. Sidoo kale ciyaartoyda ku hadasha luuqadaha Faransiiska iyo Talyaaniga sida Paul Pogba tusaale ahaan, ayaa isaguna ii noqon doona hal-beeg.”

Amad Diallo ayaa la filayaa in sida saxeexii kale ee United ay samaysay xagaagii tegay ee Facundo Pellistri uu ka ciyaaro kooxda da’yarta ee U23, balse uu heli doono fursado uu kaga soo muuqdo kooxda waaweynka kulamada aan muhiimadda badan lahayn, gaar ahaan FA Cup haddii ay kasoo gudubto Liverpool oo ay Arbacada wada ciyaari doonaan.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*