Alisson Becker Oo Jamaahiirtiisa Liverpool War Cusub Ka Siiyay Xaaladiisa Dhaawac Kasoo Kabasho & Kulanka Weyn Ee La Filayo Inuu Ciyaari Doono.

Advertisements

Goolhayaha kooxda Liverpool ee Alisson Becker ayaa xog cusub jamaahiirta kooxdiisa ka siiyay xaaladiisa dhaawac kasoo kabasho ee uu kooxda kaga maqnaa tan iyo 9-kii August kulankii furitaanka Premier League.

Goolhayahan dhawaan loo caleemo saaray goolhayaha sanadka ee dunida kubadda cagta ayaa garoomada kaga maqnaa dhaawac qiyaas ahaan toddoba toddobaad qaadanayay.

Haatan Alisson ayaa soo dhaafay soo kabashadii uu kaligii ku samaynayay xarunta jidh dhiska ee Liverpool isaga oo awooda inuu banaanka tababar ku sameeyo isla markaana aaminsan inuu kusoo dhawaanayo soo kabasho buuxda.

Becker ayaa sheegay inuu hayo wadadii saxda ahayd isaga oo dhinaca kale ka warramay sida uu wanaag iyo kalsooni u dareemayo.

Goolhayaha ree Brazil oo xaaladiisa taam ahaansho ka warramaya ayaa yidhi “Waxaan hayaa wado wanaagsan, Waxaan filayaa inaanu ku dhawaad halkaas joogno”.

Advertisements

“Waxaan u bixi karaa garoonka si aan u sameeyo waxoogaa shaqo goolhaye waxaanan dareemayaa inaan aad u wanaagsanahay, Waxaan dareemayaa kalsooni waxaanan filayaa inay haatan tahay uun helista dhammaan awoodaydii, Inay dhammaan kalsoonidaydii soo laabato oo aan sameeyo waxa aan jecelahay inaan sameeyo”.

Kulanka ugu soo horreeya ee la saadaalinayo in Becker uu dib u matali doono kooxdiisa ayaa ah midka ay booqanayaan kooxda ay xifaaltamaan ee Manchester United 20-ka October.