Alexandre Lacazette Oo Yasay Koox Faransiiska Ka Dhisan Iyo Pierre-Emerick Aubameyang Oo Difaacay Kooxda Una Jawaabay Lacazette.

Advertisements

Alexandre Lacazette ayaa ku maadeystay kooxdii uu u soo ciyaaray xiddiga cusub ee Arsenal William Saliba ka hor inta uusan Pierre-Emerick Aubameyang difaacin.

Weeraryahanka Arsenal iyo asxaabtiisa kooxda ayaa si waali ah ugu dabaaldegayay qolka labiska ka dib markii ay garaaceen Chelsea finalkii FA Cup.

Saliba oo isbuucaan bilaabay inuu tababar la qaato asxaabtiisa cusub ayaa joogay garoonka Wembley isagoo ku riyaaqayay guusha ay gaartay kooxdiisa cusub.

Advertisements

Gunners ayaa daafacaan kala soo wareegtay kooxda Saint-Etienne iyagoo ku soo iibsaday 27 milyan ginni xagaagii la soo dhaafay.

Waxaa durbadiiba amaah dib loogu siiyay kooxda Faransiiska oo uu u sii ciyaarayay xillio ciyaareedkan.

Haatan waxa uu ka soo tagay kooxda horyaalka Faransiiska ka dhisan, Lacazette ayaana u sheegay inuu haatan la qabsado ku guuleysiga koobabka.

Muuqaal la soo dhigay Instagram ayaa muujinaya Lacazette oo filim ka duubaya Saliba oo qolka labiska dhex jooga.

Weeraryahanka Faransiiska ayaa yiri: “Ma joogtid St Etienne haatan, halkaan koobab ayaan ku qaadnaa”

Laakiin Aubameyang ayaa durbadiiba difaacay kooxda Faransiiska oo uu u soo ciyaaray intii u dhaxeysay 2011 iyo 2013.

Xiddiga ugu goolasha badan Arsenal ayaa u jawaabay oo yiri: “Afkaaga kala bax St Etienne”

Kooxdii uu Lacazette u ciyaari jiray ee Lyon ayaa xafiiltan weyn uu kala dhaxeeyaa St Etienne.

Arsenal ayaa ahaa xiddiga garoonka kulankii shalay iyadoo Arsenal ay 2-1 ku garaacday kooxda ay London ku xafiiltamaan.

Waxa uu dhaliyay rigoore qeybtii hore ka gor inta uusan gool sahlan guusha ku xaqiijinin.

Advertisements
Advertisements
Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*