“Alaba Lacag Darteed Ayuu Uga Tegayaa Bayern Munich, Aniguna Sidaas Ayuun Baan Sameeyey”

Difaaca reer Austria ee David Alaba ayaa si xor ah uga tegi doona Bayern Munich xagaaga, marka uu dhamaado qandaraaskiisa oo uu diiday inuu u kordhiyo.

Advertisements

Laacibkan oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Bayern Munich ayaa ka biyo diiday heshiis cusub oo ay kooxdiisu usoo bandhigtay, waxaanu taas beddelkeeda shaaciyey in uu iskaga tegayo kooxdan oo uu cimrigiisii oo dhan usoo ciyaarayay.

Jurgen Kohler oo hore  ugu soo ciyaaray Bayern Munich, kana tegay sida Alaba oo kale ayaa sharraxay sababta ugu weyn ee ku kallifaysa laacibkan inuu ka tago Bavaria inay tahay sidii uu u heli lahaa lacag, ayna iskaga mid yihiin arrintaas.

Advertisements

Kohler oo xubin muhiim ah ka ahaa xulkii qaranka Germany ee sannadihii 1990-meeyadii, isal markaana ku guuleystay Koobkii Adduunka ee 1990kii iyo Euro 1996kii, ayaa waxa uu Munich ka tegay sannadkii 1991kii isagoo ku biiray Juventus.

“Anigu dib uma celinayo Alaba, xataa iyadoo Bayern ka mid ah saddexda kooxood ee ugu wanaagsan Yurub, mana aha inaan qariyo in qof kasta uu tixgeliyo ciyaaraha iyo dhaqaalaha intaba.” Ayuu yidhi Kohler.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Kohler yidhi: “Waxa hubaal ah uu u tegayo lacag darteed, waanan fahmi karayaa taas. Waa 28 , waxaanu saxeexi doonaa heshiis afar sannadood ama shan sannadood ah. Wuu ii sheegi karaa wixii uu doono.

“Aniguba waxaan uga tegay Bayern lacag darteed. Dabcan, tegitaankaygii Talyaanigu aad ayuu u fiicnaa, si gaar ah marka looga eego dhinaca horumarkayga shaqsiga ah.”

David Alaba ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha waaweyn ee Yurub oo ay hormood u tahay Real Madrid, waxaana dhowaan soo baxay warar sheegaya inuu heshiis afka ah lasii gaadhay kooxdan reer Spain, laakiin waxa iyaguna danaynaya oo aan wali ka hadhsanayn kooxaha Premier League sida Chelsea, Manchester United iyo Liverpool.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*