Akhrsio Hadaladii Uu Virgil Van Dijk Ka Yidhi In Lionel Messi Uu Kaga Guuleystay Abaalmarinta THE BEST – Miyuu Ka Cadhooday Mise?

Advertisements

Daafaca dhexe ee kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk ayaa ka hadlay abaalmarintii The Best ee uu xalay booska labaad ka galay isla markaana uu u waayay kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Inta ugu badan jamaahiirta kubadda cagta ayaa qabtay aragtida ah in Van Dijk uu si sahlan ku qaadan doono abaalmarintan maadaama oo uu hore Ronaldo iyo Messi ugu soo garaacay abaalmarintii xiddiga Yurub ee sanadka balse taas ayaan dhicin.

Kaddib xafladii xalay ka qabsoontay magaalada Milan, VVD oo saxaafada u warramay ayaa sheegay in dadkii coddeeyay ay go’aanka lahaayeen isaga oo dhinaca kale xusay in ka ciyaartoy ahaan aan isaga iyo Messi la isla bar-bardhigi karin.

Virgil ayaa yidhi “Dadkii coddeeyay ayaa go’aan sameeyay waana inaad aqbasho, Taasi waa arrinta jirta ka ciyaartoy ahaana aniga iyo Messi isma kaaya bar-bardhigi kartid sababtoo ah gabi ahaanba waa mid kala duwan, Aad ayaan ugu hanweynahay inaan halkan joogo”.

Sidoo kale Van Dijk ayaa sheegay inaysan meesha oolin sabab uu u niyad jabo balse taa bedelkeeda uu ku faraxsan yahay inuu joogo xaflada oo uu shaxda kooxda sanadka kasoo muuqdo kaddib shaqo adag oo uu soo qabtay.

Advertisements

“Niyad jab miyaa? Ma niyad jabi kartid, Anigu aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkan joogo, Inaan ka qayb noqdo kooxda sanadka kaddib shaqadii adkayd iyo shaqadii wanaagsanayd ee aanu samaynay sanadkii hore”

“Maanta nasiib darro maan guuleysan, Laakiin anigu ma niyad jabsani” Ayuu hadalkiisa kusoo xidhay daafaca ree Holland.

 

Comments are closed.