Akhristayaasha Shabakadda Laacib Oo Saadaal Ka Bixiyay Kulanka Liverpool Iyo Man City Ku Dhexmari Doona Garoonka Anfield – Kooxdee Ayey Guusha Siiyeen?

Advertisements

Shabakadda LaacibNet ayaa fursad siisay akhristayaasheeda, waxeyna u bandhigtay codeyn ay ku kala dooran karaan kooxaha Liverpool iyo Man City kuwaas oo kulan ka tirsan Premier League ku ciyaari doona garoonka Anfield.

Kulanka wuxuu ka tirsan yahay isbuuca 12-aad ee horyaalka Premier League, waa kooxda hogaanka heysa iyo kooxda difaacaneysa tartanka, sidoo kalana farqi lix dhibcood ah ayaa u dhaxeeya labada kooxood ee iska hor imaanaya caawa.

Codeyntii ay soo bandhigtay shabakadda LaacibNet uso bandhigtay akhristayaasha waxaa ka qeyb qaatay in ka badan 1000 (Kun qofood) kuwaas oo kala doortay saddex doorasho oo lasoo bandhigay, guulo labada kooxood ah iyo barbaro.

Advertisements

Akhristayaasha waxey guul siiyeen Liverpool, 64.41% ayey guusha siiyeen kooxda hogaamineysa horyaalka, halka kooxda difaacaneysa ay siiyeen 30.49%, kaliya 5.10%.

Sidoo kale Akhristayaasha ayaa fariimo soo gudbiyay kuwaas oo saadaashooda iyo sidey la tahay soo qoray, kadib natiijada ciyaarta ayaan soo qaadan doonaa haduu alle idmo.

12 responses to “Akhristayaasha Shabakadda Laacib Oo Saadaal Ka Bixiyay Kulanka Liverpool Iyo Man City Ku Dhexmari Doona Garoonka Anfield – Kooxdee Ayey Guusha Siiyeen?”

  1. Waxa badineysa liverpool koox ahaan weydhisan tahay .gurugoida ayey joogaan inta badan guriga liverpool loogama badiyo