AKHRISO: Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Isku-aadka Champions League Ee Wareegyada Siddeedda Iyo Semi-finalka

Isku-aadka wareegga siddeedda ee tartanka Champions League ayaa la qaban doonaa maalinta Jimcaha ee toddobaadkan iyadoo lasii raacin doono sida ay kooxuhu u wada ciyaari doonaan marxaladda xigta ee semi-finalka.

Advertisements

Waddanka Ingiriiska ayay mar horeba usoo baxeen Manchester City iyo Liverpool, waxaanay sugayaan in Chelsea ay ku soo biirto, hase yeeshee Germany oo ah dalka labaad ee kooxaha ugu badan usoo baxeen ayaa rajo weyn ka qaba in Bayern Munich ay koobka difaacan karto iyadoo lug lasii gashay wareegga siddeedda, caawana xaqiijisan doonta booskeeda, halka Borussia Dortmund oo durduro ku timid wareeggan ay iyaduna nasiibkeeda ka qaadi doonto naadiga ay la ciyaari doonto.

Spain oo haysta lix ka mid ah tobankii Champions League ee ugu dambeeyey ayaa illaa hadda ay kasoo gudubtay Real Madrid, halka Atletico Madrid iyo Chelsea ay caawa kala calaf-qaadayaan.

Waddanka ugu liita sannadkan ayaa ah Talyaaniga oo naadiyadiisii laga cidhibtiray tartankan, halka PSG ay tahay kooxda France ugu jirta tartanka ee  awoodda muuqata soo bandhigtay markii ay Barcelona kusoo bahdishay 16kii.

Advertisements

Goorma ayaa la samaynayaa isku-aadka wareegga siddeedda?

Taariikh: 19 March, 2021

Waqtiga: 2pm – Saacadda Geeska Afrika

Maxaa la socda isku-aadka wareegga siddeedda?

Isla marka la dhamaystiro isku-aadka wareegga siddeedda, waxa kooxaha isku beegmay lagu wada qori doonaa hal warqad oo lagu xidhi doono dahaadh aan la arkayn, kaddibna waxa la gelin doonaa gacanta, iyadoo laba-laba loosoo saari doono, halkaasna waxa kasoo bixi doona laba kooxood oo kasta, labada kale ee ay lasii ciyaari doonaan wareegga xiga ee siddeedda.

Halkee ayaa lagu qabanayaa isku-aadka

Isku-aadka waxa lagu qabanayaa magaalada Nyon ee waddanka Switzerland dhismaha House of European Football.

Goorma ayaa la ciyaari doonaa kulamada wareegga siddeedda?

Lugta hore ee wareegga siddeedda, waxa la ciyaari doonaa 6da iyo 7da bisha April ee foodda innagu soo haysa.

Lugta labaad ayaa iyadana la dheeli doonaa usbuuca xiga ee 13-14 April.

Kooxahee loo samaynayaa isku-aadka?

Lix kooxood oo hore usoo gudbay iyo laba la sugayo inay caawa kusoo biiraan ayaa loo samaynayaa isku-aadka.

Borussia Dortmund, Liverpool, Paris St-Germain, Porto, Manchester City, Real Madrid, Chelsea/Atletico iyo Bayern Munich/Lazio.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*