AKHRISO: Hadalladii Qiirada Lahaa Ee Cristiano Ronaldo, Donald Trump, Barack Obama, Messi, Zidane, Neymar Iyo Bahda Ciyaaruhu Ka Yidhaahdeen Geerida Kobe Bryant

Advertisements

War naxdin leh ayaa shalay usoo yeedhay bahda ciyaaraha kaddib markii uu halyeygii kubadda kolayga ee Kobe Bryant, inan uu dhalay oo 13 jir ah iyo lix qof oo kale ay ku geeriyoodeen shil diyaaradeed oo ka dhacay waddanka Maraykanka.

Kobe Bryant oo muddo 20 sannadood ah oo uu kubadda kolayga NBA-da Maraykanka ciyaarayay waqtigiisa oo dhan u hibeeyey naadiga Los Angeles Lakers, waxa uu dunida kaga tegay xasuuso aan waligood la illoobaynin oo ay ka mid yihiin rikoodhada iskooda u taagan ee dhalinta goolasha iyo farsamooyinkiisii gaarka ahaa.

Halyeygan oo 41 jir ahaa, waxa uu ahaa laacibka saddexaad ee dhibcaha ugu badan ka dhaliyey NBA-da intii la ciyaaarayay, laakiin shalay subaxnimadii hore ayaa waxa rikoodhkiisa dhaafay LeBron James oo uu isaguna si kal iyo laab ah ugu hambaleyeeyey saacado ka hor intii aanu geeriyoonin.

Wax kasta oo suurtogal ah oo uu hantiyo laacib ka ciyaara NBA-da wuu ku guuleystay, ka hor intii aanu sannadkii 2016 ka fadhiisanin ciyaaraha.

Markii uu shalay soo yeedhay warka naxdinta leh ee dhimashadiisu, waxa is qabsaday tacsida, xasuusta dib loo soo faqay ee waayihiisii ciyaareed iyo raadka ku dayashada mudan ee uu uga tegay jiilasha dambe.

Haddaba waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah hadalladii Madaxda dunida, ciyaaryahannada iyo tababareyaasha kubadda cagtu ka yidhaahdeen geerida Kobe Bryant:

Barack Obama, madaxweynihii hore ee Maraykanka: “Kobe waxa uu ahaa halyeyga maxkamadeed oo bilaabay wax macno weyn u yeelan lahaa ficil labaad. In la waayo Gianna xattaa iyaduna waa wax aynu aad uga murugoono waalid ahaan. Aniga iyo Michelle waxaanu jacayl iyo duco u diraynaa Vanessa iyo dhamaan qoyska Brant oo ku jira maalin aan la qiyaasi karin.”

Donald Trum, Madaxweynaha Maraykanka: “Kobe Bryant, ka sokow inuu ka mid ahaa ciyaaryahannadii ugu wanaagsanaa ee kubadda kolayga soo maray, waxa uu bilaabay nolol. Aad ayuu u jeclaa qoyskiisa, mustaqbal wanaagsanna wuu lahaa. Geerida gabadhiisii quruxda badnayd ee Gianna, ayaa waqtigan murugada kasii dhigaysa mid aad u xun.”

Lionel Messi: “Ma hayo ereyo… Jacaylkayga oo dhan waxaan u dirayaa qoyska iyo saaxiibbada Kobe. Farxad ayay ii ahayd inaan la kulmay oo aanu waqtiyo wadaagnay. Waxaad ahayd qof caqli badan sida kuwo tiro yar oo kale.”

Cristiano Ronaldo: “Wuxuu ahaa war niyad-jab leh. Halyey dhab ah oo in badan tusaale u ahaa.”

Paul Pogba: “Geesiyadu way yimaaddaan oo ay tagaan, laakiin halyeeyadu waligood way jirayaan.”

Neymar: Markii uu dhaliyey gool ciyaartii xalay, waxa uu ku dabbaal-degay lambarkii uu xidhan jiray Kobe Bryan, isaga oo farihiisa ku tilmaamay 24.

Advertisements

Zinedine Zidane: “Waa war naxdin leh oo saameeyey qof walba, dhamaanteen. Aad ayaan uga xunnahay.”

Real Madrid, Bayern Munich iyo Barcelon: Kooxaha dunida intooda badan ayaa ka hadlay, laakiin saddedan kooxood ayaa markiiba warbaahinta soo geliyey sida ay uga  naxeen geerida Kobe Bryant.

 

Comments are closed.