AKHRISO: Farriintii Qiirada Lahayd Ee Lionel Messi Uu U Diray Ronaldinho Oo Hooyadii Geeriyootay

Advertisements

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa farriin qiiro leh u diray saaxiibkiisii hore ee Barcelona ee Ronaldinho oo ay hooyadii u geeriyootay xanuunka Korona oo ay u jiiftay muddo laba bilood ah.

Miguelina Elói Assis dos Santos oo ahayd hooyada dhashay Ronaldinho ayaa bishii hore la dhigay cusbitaalka la dhigay bishii December ee sannadkii hore markii uu ku dhacay fayraska korona, waxaanay ku jirtay qaybta dadka xaaladdoodu culus tahay ee ‘ICU’, halkaas oo ay ugu dambayntii ku geeriyootay maalintii Sabtidii.

Sida uu Ronaldinho ku sheegay farriin uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Instagram, Miguelina Elói Assis dos Santos  ayay da’deedu ahayd 71 jir, waxaana labadii bilood ee ugu dambeeyey ay ku jirtay cusbtiaalka Mae de Deus Hospital ee magaalada Porto Alegre.

Kaddib markii ay soo baxday geerida Miguelina Elói Assis dos Santos, waxa farriimo tacsi ah loo dirayay Ronaldinho, waxaana ugu horreyntiiba bartooda bulshada adeegsaday kooxaha Barcelona iyo Atletico Mineiro.

Kooxda reer Spain ayaa u sheegtay Ronaldinho inay la qaybsanayso murugada iyo xaaladda adag ee uu ku jiro ee ay sababtay geerida hooyadii.

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa isaguna farriin uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Instagram, waxa uu tacsi ugu diray Ronaldinho, isagoo qoraal far waaweyn ah ku yidhi:

“Ronnie, ma garanayo kalmado, mana rumaysan karayo. Kaliya waxaan doonayaa inaan kuusoo diro adkaysi badan iyo salaan weyn adiga iyo qoyskaaga oo dhan.

“Waan ka xumahay geerida hooyadaa, waxaanan u rajaynayaa inay nabad ku nasato.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*