Haddii uu saxiixayo qandaraas cusub ama haddii kale, waxaa lagu sii dhawaanayaa wax aan waligeed lagu fekerin oo ah in Lionel Messi uu ka tago Barcelona.
33 jirkaan ayaa cadeeyay xagaagii inuu doonayo inuu ka tago Camp Nou, isagoo markaas gudbiyay warqadiisa codsiga ah ee in la fasaxo.
Iscasilaadii Josep Maria Bartomeu ayaa dad badan rajo gelisay iyagoo aaminay in Messi uu sii joogi doono kooxda laakiin ma jiraan dhaqdhaqaaqa la xiriira qandaraas kordhin oo haatan socda.
Madaxweyne cusub oo fekrado fiican wata ayaa laga yaabaa inuu Messi ka dhaadhiciyo inuu sii joogo Barcelona wixii ka danbeeya xilli ciyaareedkan oo qandaraaskiisa dhacayo.
Si kastaba, qaab ciyaareedka kooxda Ronald Koeman ee ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan ma ahan mid niyad wanaag muujineysa oo ka dhaadhicineysa Messi in kooxda ay koobab u tartami doonto mustaqbalka dhow.
Sidaasi darteed haddii Messi uu baxo, ayay Barcelona ku bedeli kartaa? Waxaan eegeynaa afar ciyaaryahan oo loo calaadeeyay.
Lautaro Martinez
Xiisaha kooxda Barcelona ee weeraryahanka Inter Milan waa la iska ogyahay, xitaa waxay xiiseynayeen ka hor inta uusan Messi dalbanin in la fasaxo bishii Agoosto. 23 jirkaan ayaa ah xiddig tayo fiican leh oo wax weyn ku soo kordhin kara Barcelona oo Messi uu ka maqan yahay.
Neymar
Dabcan waa doorashada ugu haboon ee bedelka Messi iyadoo Barcelona muddo dheer lala xiriirinayay inay soo ceshaneyso xiddigeedii hore. Qandaraaska Neymar ee PSG waxaa ka harsan 18 bilood inkastoo madaxweynaha PSG Nasser Al-Khelaifi uu dhawaan sheegay in 28 jirkaan uu qandaraas cusub saxiixi doono.
Mohamed Salah
Haddii la iska ilaawo dhaqaalo xumada heysa Barcelona, xiddigaha reer Masar ayaa noqon kara xiddiga ugu fiican ee buuxin kara booska Messi marka laga eego dhanka isboortiga,. Da’diisa waa 28 sanno jir wuxuuna ku jiraa waqtigii ugu fiicnaa ee waayihiisa ciyaareed. Salah sida Lautaro waxaa qandaraaskiisa Liverpool uga harsan labo sannadood iyo bar.
Ansu Fati
Xalka dhibaatada Barcelona ee Messi waxaa laga yabaa inay durbaba Barcelona heysato. Labadii xilli ciyaareed ee uu ka tirsanaa kooxda koowaad, Ansu Fati wuxuu soo badhigay tayadiisa cajiibka ah. Dhaawac soo gaaray ayaa hakad geliyay xilli ciyaareedkiisa laakiin wax badan ayaa laga filanayaa da’ yarkaan.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Horta Messi mid la mid ah lama heli doono umalaynayaa balse Ani ahaan #Neymar Jr aan u arkaa
Ilama aha messi inay badali karaan lamidna noqon karaan messi laacib la mida la arki maayo say ila tahy
Lkin wx meesha buuxin kara neymar ama salah
Ansu fati. Aya badalayo. Sbbto. Ah waa wil yar oo. Leh karti iyo. Waliba. Hami midaso ku mujineysa. Waxa uu qabtay sbbta. An sidas. U dhahayna waa
1 waa da.yar xirfadle.Ah
2 waa da.yar. hami sare. Leh
3 waa da yar awood u leh in uu tartamo
4 marna. Maha fid fursadihisa. Qasariyo ama cawinta xasido waa. Mid u fir fircoom kubada cagta sanadaha soo socda
Messi mid la mid ah lama helii doono!!!
Messi Mid la mid ah lama heli karo lkn
Ansu Fati ayaa ugu dhow inuu bedalo waa wiil karti leg iyo Mustaqbal
Neymar AMA kevin de bruyne xaqiiqdi
Ninka misse badali Kara waa carlez Perez oo Barcelona iibisay waa min tayada misse oo kle hel kulamo uu Barcelona u ciyaaray wxa laga arkayay Tayo safe 💪