RASMI: 40ka Xiddig Ee U Sharaxan Abaalmarinta Wiilka Dahabiga 2019 Oo La Shaaciyay – Yaa Uga Jira Kooxdaada?

Advertisements

24 saacadood ka dib markii uu Lionel Messi ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka adduunka ee FIFA, jariirada Tuttosport ayaa shaacisay 40ka xiddig ee ku tartamaya abaalmarinta Wiilka Dahabiga 2018 ee Golden Boy.

Abaalmarintaan waxaa u codeeya joornaaliistayaasha isboortiga waxaana la siiyay xiddiga ugu fiican sannadka ee ciyaartoyda da’dooda ka yar tahay 21 sanno ee ka ciyaaraya Yurub.

Wargeysyada codeynaya waxaa ka mid ah: Bild (Germany), Blick (Switzerland), A Bola (Portugal), l’Équipe (France), France Football (France), Marca (Spain), Mundo Deportivo (Spain), Ta Nea (Greece), Sport Express (Russia), De Telegraaf (Netherlands), and The Times (United Kingdom).

Xubin walba oo codeyneysa waxay dooranayaan shan ciyaaryahan iyagoo 10 dhibcood siinaya xiddiga kaalinta koowaad, 7 dhibcood xiddiga kaalinta labaad. shan dhibcood xiddiga kaalinta seddexaad, seddex dhibcood xiddiga kaalinta 4aad iyo hal dhibic xiddiga kaalinta 5aad.

Xiddigihii hore ugu soo guuleystay waxaa ka mid ah Wayne Rooney, Lionel Messi, Cesc Fabregas, Sergio Aguero, Paul Pogba, Raheem Sterling iyo Anthony Martial.

Si kastaba, waxaa jira ciyaartoy ku soo guuleystay abaalmarintaan oo ka soo bixi waayay rajadii laga lahaa tayadooda.

Xiddigii hore ee Man United Anderson ayaa ku guuleystay 2008, xiddiga ay isku wadanka yihiin Alexandre Pato ayaa ku guuleystay 2009, Mario Balotelli wuxuu ku guuleystay 2010 halka Renato Sanchez uu ku guuleystay 2016.

Laakiin labadii xiddig ee ugu danbeeyay ee ku guuleysta waxa ay gaareen heer weyn waxayna kala yihiin Kylian Mbappe iyo Matthijs de Ligt.

Hadaba waa kuwee 40ka xiddig ee u tartamada abaalmarinta wiilka dahabiga ee 2019?

Xiddigaha u sharaxan abaalmarinta Wiilka Dahabiga ee 2019:

Benoit Badiashile (Monaco)

Samuel Chukwueze (Villarreal)

Michael Cuisance (Bayern Munich)

Tom Dele-Bashiru (Watford)

Matthijs De Ligt (Juventus)

Krépin Diatta (Club Brugge)

Giuanluigi Donnarumma (AC Milan)

Denis Dragus (Standard Liege)

Eljif Elmas (Napoli)

Florentino Luís (Benfica)

Phil Foden (Manchester City)

Mattéo Guendouzi (Arsenal)

Erling Braut Haaland (RB Salzburg)

Kai Havertz (Bayer Leverkusen)

Alexander Isak (Real Sociedad)

Joao Félix (Atlético Madrid)

Dejan Joveljic (Eintracht Frankfurt)

Boubacar Kamara (Marseille)

Alphonso Davies (Bayern Munich)

Moise Kean (Everton)

Justin Kluivert (Roma)

Ibrahima Konaté (RB Leipzig)

Rodrygo Goes (Real Madrid)

Alban Lafont (Nantes)

Diego Lainez (Real Betis)

KangIn Lee (Valencia)

Andriy Lunin (Real Valladolid, on loan)

Donyell Malen (PSV)

Mason Mount (Chelsea)

Nehuén Pérez (Famalicao)

Reiss Nelson (Arsenal)

Abdulkadir Omur (Trabzonspor)

Strahinja Pavlovic (Partizan Belgrade)

Rafael Leao (AC Milan)

Vinicius Junior (Real Madrid)

Jadon Sancho (Borussia Dortmund)

Luis Sinisterra (Feyenoord)

Jean-Clair Todibo (Barcelona)

Ferran Torres (Valencia)

Nicolo Zaniolo (Roma)

Sida aad kaaga muuqata liiska waxaa ka buuxa xiddigo tayo leh, laakiin kumaa ku guuleysan doona abaalmarinta bisha Janaayo.

Waxa ay u muuqataa in seddex xiddig ay ugu cadcad yihiin, xiddiga Borussia Dortmund Jadon Sancho, xiddiga Atletico Madrid Joao Felix iyo daafaca Juventus De Ligt.

Wararka Kale Ee Maanta:

 

10 responses to “RASMI: 40ka Xiddig Ee U Sharaxan Abaalmarinta Wiilka Dahabiga 2019 Oo La Shaaciyay – Yaa Uga Jira Kooxdaada?”

  1. Steven Gerrard says:

    Laakin dayerta liverpool aawey laguma soo darin

  2. Aaway daniel James viva manutd

  3. Aaway Abraham weeraryahankii da`da Yaraa wacdaraha dhigay

  4. Yiz sahal kadar says:

    Away xidigaha asenzio away vasquez

  5. cabdirashiid Rashka says:

    mattio guendouzi nOqonayA gold bOy 2019

  6. bouhfarah says:

    Joao felix ayan u rajinaya inu ku guulisto insha allah

    • Wa kulaqaba

  7. Saxy beeg says:

    Daniel james iyo azenzio iyo vasques iyo abraham iyo da.yarta liverbool intubs koob lama joogan mesha qofkii dona halasiyo miya ciyaraha wax kabarta dulli yahow

  8. hadi lagu qiimaynayo wax qabadki sanadki hore waxan u malayn inu De Ligt ama Felix ku guulaysan dono inkasto da’a yarti Liverpool laga reebo xaq ahayn

  9. mason mount ayaa kuleh