34 Maalmood Ka Hor Ayuu Yimid, Haatana Waa La iibinayaa – 8 Xiddig Oo Barcelona Ay Iibineyso Xagaaga Oo La Magacaabay

Advertisements

Martin Braithwaite ayaa u muuqda mid isku diyaarinaya inuu baxo kaliya 34 maalmood ka dib markii uu kooxda Barcelona ku biiray iyadoo kooxda reer Spain ay isbedelo waa weyn isku diyaarineyso xagaaga.

Sida ay sheegtay jariirada Isbaanishka ee SPORT, madaxda Barcelona ayaa doonaya inay dib u dhisaan kooxda koowaad si ay uga dhex muuqdaan koobka Champions League.

Xiddigaha kale ee la iibinayo waxaa ka mid ah Philippe Coutinho iyo Antonio Gitezmann iyadoo Braithwaite isna albaabka la tusi doono inkastoo uu kooxda ku soo biiray kaliya 20ka bisha Febraayo.

Braithwaite waxaa lagala soo wareegay kooxda Leganes bishii la soo dhaafay iyadoo Barcelona ay bixisay 15 milyan euro ka dib markii loo ogolaaday inay ku bedesho Ousmane Dembele oo dhaawac culus uu soo gaaray.

Waxa uu ciyaaryahan Barcelona ahaa kaliya 34 maalmood isagoo kooxda u saftay seddex kulan oo dhamaantood ahaa La Liga. Labadii kulan ee ugu horeysay waxa uu ka soo kacay kursiga keydka halka uu 88 daqiiqo ciyaaray kulankii ay 1-0 kaga badiyeen Levante.

‘Waa qasab in la iibiyo’ ayauu ahaa cinwaanka jariirada Barcelona ka soo baxda ee SPORT iyagoo soo qaatay sawirada sideeda ciyaaryahan ee la iibinayo xagaaga.

Advertisements

Si la mid ah Braithwaite, Griezmann iyo Coutinho, Ivan Rakitic ayaa isna sidoo kale lagu waramayaa inuu baxayo isaga iyo xiddigaha kale ee khadka dhexe Arturo Vidal iyo Carles Alena oo amaah ku jooga Real Betis.

Daafaca Samuel Umtiti ayaa isna bixi doona iyo goolhayaha keydka Neto.

Sport report on Wednesday that Barcelona could sell eight players to rebuild their first team

Comments are closed.