250 Yuuro & 25 Kubadood Ayaa Lagu Iibsaday Isagoo 10-jir Ah Xiddig Hadda Lagu Qiimeeyo Lacag Ka Badan 100 Malyan Oo Pound.

Advertisements

Gedson Fernandes waxaa lagu qiimeeyaa hadda in heshiiskiisa lagu jabin karo lacag dhan 120 Malyan oo Pound, balse ma aamini doontid sida uu ku dhacay heshiiska uu markiisii hore ku yimid kooxda reer Portugal ee Benfica.

21-jirkaan khadka dhexe ka ciyaara ee qaatay dhalashada Portugal ayaa ku dhaw inuu amaah ugu yimaado kooxda Tottenham Hotspur, waxaana lagu sheegaa inuu ka mid yahay xiddigaha usoo koraya Portugal kuwooda ugu fiican.

Sida ku xusan diiwaanka taariikhdiisa, xiddigaan waxaa si weyn ugu dagaalamay isagoo 10-jir ah kooxaha Benfica iyo Sporting Lisbon, balse kooxda Benfica ayaa ku adkaatay loolankii adkaa ee labada kooxood dhexmaray 2009.

Fernandes wuxuu ka tirsanaa kooxda dhalinyarada ah ee SC Frielas, waxaana soo qiimeystay indha-indheeyayaasha kooxaha Sporting iyo Benfica.

Markii hore waxaa loo bandhigay Sporting, balse kooxda Frielas waxey qiimo macquul ah ka heleen kooxda Benfica oo bixisay adduun dhan 250 Yuuro iyo 25-kubadood.

Waalidka xiddigaan kuma aysan qancin heshiiska la gaaray, balse maamulka SC Frielas ayaa ku qanciyay in xiddiga uu helay fursad uu nafsadiisa ku hormariyo.

Advertisements

1999 ayuu ku dhashay jasiiradda yar ee Sao Tome oo ku taala qaaradda Afrika, marka dib loogu laabto noloshiisa wey ka fogeyd inuu qani noqdo, wuxuu ku ciyaari jiray wadooyinka dhul baadiyo ah oo ay ku noolaayeen.

Xiriirka xoogan ee ka dhaxeeya Sao Tome iyo Portugal ayaa sababay in waalidkiis loo ogolaado iney qaxooti ku noqdaan Portugal, wuxuuna hadda noqday mid ka mid ah xiddigaha aadka looga doonayo kubadda cagta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.