20kii Kubbad-sameeye Ee Ugu Fiicnaa 10kii Sannadood Ee Ugu Dambeeyey Oo La Soo Saaray

Advertisements

Lionel Messi ayaa hoggaaminaya kubbad-sameeyeyaashii ugu wanaagsanaa tobankii sannadood ee ugu dambeeyey kubadda cagta, iyadoo uu muddadaasna yahay ciyaartoyga goolashii ugu badnaa ka dhaliyey kubadda cagta.

Xiddiga reer Argentina ayaa ahaa mucjiso aan ku koobnayn gool-dhalinta oo kaliya laakiin waxa uu sidoo kale ahaa midka gool caawintii ugu badnayd ka sameeyey garoomada kubadda cagta, waxaanay taasi caddaynaysaa inuu si walba ugu qalmayey abaal-marinnadii la siiyey ee lixda jeer uu ku noqday xiddiga ugu wanaagsan dunida.

Xog ururin ay samaysay ootball History & Statistics (IFFHS) ayaa waxa lagu soo bandhigay 20kii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa kubbad samaynta shanta horyaal ee waaweyn ee qaaradda Yurub, kuwaas oo kala ah Premier League, LaLiga, Bundesliga, Serie A iyo Ligue 1.

Kubbad-sameeyeyaasha markiiba maskaxdaadu soo qabanayso ee tobankii sannadood ee kasoo bilaabmay 2010kii waxa safka hore kaga jira Andres Iniesta iyo Xavi Hernandes, laakiin waxay kaliya qayb ka noqonayaan liiskan balse kaalinta koowaad midkoodna ma helin.

Xili ciyaareedkii tegay, waxa dunidu hadal haysay Kevin de Bruyne iyo Bruno Fernandes oo ahaa iftiin ka baxayay magaalada Manchester oo laga daawanayay Etihad Stadium iyo Old Trafford, laakiin xiddiga Man City ee De Bruyne waxa uu ka mid noqday liiska 20ka kubbad sameeye ee ugu wanaagsanaa muddadii u dhaxaysay 2011-2020 halka Fernandes uu hadda uun soo galay fagaareyaasha waaweyn.

Halkan kaga bogo 20ka kubbad-sameeye ee ugu wanaagsanaa:

20. Isco – 25

19. Thiago Alcantara – 33

18. Paul Pogba – 35

17. Riyad Mahrez – 38

16. Christian Eriksen – 38

15. Bastian Schweinsteiger – 40

14. James Rodriguez – 42

13. David Silva – 52

12. Cristiano Ronaldo – 54

11. Xavi – 55

10. Yaya Toure – 60

9. Andrea Pirlo – 63

8. Mesut Ozil – 69

7. Neymar – 71

6. Eden Hazard – 77

5. Toni Kroos – 90

4. Kevin De Bruyne – 103

3. Luka Modric – 113

2. Andres Iniesta – 127

1. Lionel Messi – 174.

Xasuusin: Tirooyinkani waa dhibcaha qiimaynta ee ciyaartoydan ee dhinaca dhamaystirka kubbadaha ay sameeyeen.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Fekrad

  1. Toni Kroos ayaa kahoreeya ama kafiican miya Xavi David Silva iyo Yaya Toure. Waa hadii an idinka yeelo

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*