Steven Gerrard Oo Jawaab Qariib Ah Bixiyay Markii La Weydiiyay Inuu Doorto Kooxda Uu Si Aad Ah U Necbahan Yahay Man United & Everton

Advertisements

Halyeeyga Liverpool Steven Gerard ayaan waxba u dhimin sucmadiisa kooxda Anfield ka dib markii uu qirtay inuu si siman u necban yahay Everton iyo Manchester United.

Gerrard ayaa isku qoray buuga taariikhda Reds ka dib 26 sannadood uu kooxda u ciyaarayay isagoo la qaaday todobo koob oo waa weyn.

Waxaa loo saadaalinayaa inuu maalin uun isagoo tababare ah inuu ku soo laaban doono Liverpool isagoo haatan tababare u ah kooxda Rangers ee dalka Scotland.

Gerrard ayaa marti ku ahaa barnaamijka xiddigii hore ee England iyo Liverpool Peter Crouch ee lagu magacaabo Back of the Net.

Crouch ayaa weydiiyay Gerrard inuu kala doorto Everton ama Manchester United isagoo ku jawaabay: “Waa mid adag, waa sida adigoo lagu yiri kala dooro gabdhaha Kardashians, waa mid adag, ma sameyn karo. Labadoodaba waan necbahay.”

Liverpool iyo Everton oo deris ah ayaa xafiiltan weyn uu ka dhaxeeyaa laakiin xafiiltankooda waxaa loo arkaa mid saaxiibtinimo inkastoo ay aad isagu dhow yihiin dhul ahaan.

Si kastaba, xafiiltanka kala dhaxeeya kooxda Manchester United ayaa ah mid aad u sareeya, labada kooxood ayaana isku neceb si weyn.

Liverpool iyo Man United ayaa xilli ciyaareedka Premier League ku bilowday guulo iyagoo ka kala badiyay Norwich iyo Chelsea.

Waxa ay kulmi doonaan markii ugu horeysay xilli ciyaareedkan 19ka bisha Oktoobar iyadoo lugta labaad ee ka dhici doonta Anfield la ciyaari doono 18ka bisha Janaayo.

Advertisements