Sadio Mane Oo Shaaca Ka Qaaday Xiddiga U Qalma Abaalmarinta Ballon d’Or Sannadkan

Advertisements

Weeraryahanka Liverpool Sadio Mane ayaa qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa soo bandhigay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ee 2018-19.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Senegal ayaa ka soo gudbay ciyaaryahan aan qaab ciyaareed joogta ah soo bandhigi karin markii uu joogay Southampton waxaana uu noqday mid ka mid ah weeraryahanada laga baqo sannadihii u danbeeyay.

Sadio Mane ayaa dhaliyay 22 gool horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ka hor inta uusan dhalinin seddex gool lix kulan uu saftay Koobka Qaramada Afrika.

Waxaana ay taasi keentay in 27 jirkaan uu ka mid noqdo xididaha ugu cadcad abaalmarinta Ballon d’Or isaga iyo asxaabtiisa Liverpool Virgil van Dijk iyo Mohamed Salah.

Laakiin miyuu Mane aaminsan yahay inuu ku guuleysan doono abaalmarinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or? Dabcan maya.

Sababtana waxa ay tahay Mane waxa uu aaminsan yahay in Lionel Messi uu u qalmo abaalmarinta inkastoo Liverpool ay Barcelona ku reebtay semi-finalkii Champions League.

Isagoo la hadlayay saxaafada ka hor kulanka caawa ee UEFA Super Cup ee ay la ciyaarayaan Chelsea, Mane ayaa si fiican uga hadlayMessi.

Markii la weydiiyay abaalmarinta Ballon d’Or, Mane ayaa yiri: “Lionel Messi ayaa u qalma abaalmarinta Ballon d’Or. Isaga ayaa u qalma, cid walba ayaa taqaana Messi iyo sida uu u fiican yahay.”

Van Dijk ayaa isna hore u sheegay in Messi uu u qalmo abaalmarinta ilaa iyo inta uu ciyaarayo.

“Waxaan qabaa in Messi uu yahay xiddiga ugu fiican dunida, isaga ayaana u qalma inta uu ciyaarayo.” ayuu yiri Van Dijk.

Advertisements