Mohamed Salah Oo U Jawaabay Pep Guardiola Ka Dib Markii Uu Qiimo Tiray Hanashadoodii Champions League

Advertisements

Xiddiga Liverpool Mohamed Salah ayaa meesha ka saaray hadalkii qariibka ahaa ee uu Pep Guardiola ku sheegay in ku guuleysiga Premier League uu ka weyn yahay ku guuleysiga Champions League.

Labada kooxood ayaa si weyn ugu hardamay hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, iyadoo Man City ay 98 dhibcood ku qaaday horyaalka halka Liverpool ay heshay 97 dhibcood.

Si kastaba, Liverpool ayaa hanatay markii lixaad koobka Champions League iyadoo finalkii 2-0 ku garaacday kooxda Tottenham.

Horaantii bishaan tababaraha Man City Pep Guardiola oo hoos u dhigaya guusha Liverpool ee Champions League ayaa yiri:

“Ma doonayo inaan ku qamaaro kaliya todobo kulan. Premier League ayaa mar walba ah kan ugu muhiimsan, waa tartan maxali ah sababtoo ah isbuuc walba ayaa la ciyaaraa.”

Si kastaba, Mohamed Salah ayaa sheegay in Champions League uu yahay koobka ugu weyn ee tartamada qaarada Yurub oo dhan, iyadoo Man City aysan waligeed dhaafin wareega sidee dhamaadka.

Waxa uu u sheegay CNN: “Daacadii, ma garanayo waxa uu Guardiola yiri, laakiin haddii aad ku tiraahdo kala dooro labada koob, waxa uu dooran lahaa Champions League.

“Taasi waa fekerkeyga. Isaga kama hadlo ee fekerkeyga ayaan ka hadlayaa. Waa tartanka ugu weyn kubada cagta, sidaasi darteed qof walba ayaa doonaya inuu ku guuleysto.

“Tababare walba, ciyaaryahan walba ayaa doonaya inuu ku guuleysto oo ku riyoonaya inuu ku guuleysto. Sidaasi darteed inkastoo uu Premier League wax weyn yahay, hadana Champions League ayaa ah koobka ugu weyn.”

Advertisements