Taageerayaasha Premier League Oo Ku Maadeysanaya Qoraal Uu Christian Pulisic Twitter Soo Dhigay 5 Sannadood Ka Hor

Advertisements

Qoraal uu Christian Pulisic soo dhigay Twitter shan sannadood ka hor ayaa haatan si weyn loogu wadaagayaa baraha bulshada ka dib markii Chelsea guuldarro weyn ku bilaabatay xilli ciyaareedka Premier League.

20 jirkaan ayaa heshiis 58 milyan ginni ah ugu soo wareegay Chelsea bishii Janaayo, laakiin waxa uu si rasmi ah kooxda u yimid xagaagan isagoo bedel ku soo galay kulankiisii ugu horeysay ee Premier League Axadii.

Markii bedelka lagu soo geliyay qeybtii labaad, Man United ayaa gool dhalisay todobo daqiiqadood markii uu garoonka ku jiray.

Red Devils ayaa ku garaacday Chelsea 4-0, waxaana taageerayaasha Premier League ay soo heleen qoraal uu shan sannadood ka hor Pulisic soo dhigay Twitter oo ka tarjumaya guuldaradii cusleyd ee soo gaartay Axadii.

“Marka aad ogtahay inaad qalad sameysay….” ayuu soo qoray Pulisic sannadii 2014.

Taageerayaasha Premier League ayaana bilaabay inay ku wadaagaan qoraalkaan baraha bulshada iyadoo ka dhigaya in Pulisic uu ka qoomameynayo inuu Chelsea ku soo biiray.

Taageere Tottenham ah ayaa u soo qoray: “Weli waxaad heysata waqti aad ku bixi karto” madaama suuqa kala iibsiga Yurub uu xirmayo 2da bisha September.

Taageere kale ayaa isna soo qoray: “Waxay aheyd inaad iska sii joogto BVB”

Mid kale ayaa yiri: “Suuqa kala iibsiga Jarmalka weli waa uu furan yahay saaxiib, waa inaad codsato inaad dib ugu biirto Dortmund”

Taageere Chelsea ah ayaa isna yiri: “Fadlan haka rajo dhigin Chelsea iyo Lampard… si xun ayaan ku bilaabanay waan ka soo kabsan doonaa.”

Advertisements