10ka Xiddig Ee Ugu Safashada Badan Horyaalka Premier League Ee Xiddigaha Weli Ka Dheelaya Horyaalka

Advertisements

Gareth Barry ayaa lagu xusuustaa inuu jabiyay rikoorka safashada Ryan Giggs ee horyaalka Premier League sannadkii 2017, laakiin xiddigii hore ee Man City iyo Aston Villa kama ciyaaro haatan horyaalka heerka koowaad, waxaana jira jiil cusub oo noqday xiddigaha ugu safashada badan horyaalka Ingariiska.

Xiddiga Liverpool James Milner ayaa haatan ah xiddiga ugu safashada badan horyaalka Ingariiska ee weli horyaalka ka ciyaaraya  isagoo u soo ciyaaray kooxo ay ka mid yihiin Manchester City iyo Aston Villa.

Xiddiga labaad ee ku soo xiga xiddigaha ugu safashada badan horyaalka ee weli garoonka ku jira waa daafaca bidix ee Everton Leighton Baines kaasoo sidoo kale u soo dheelay kooxda Wigan Athletic.

Liiska 10ka xiddig ee ugu safashada badan Premier League ee xiddigaha weli ka ciyaaraya horyaalka waxaa sidoo kale ku jira Aaron Lennon, Theo Walcott, Ashley Young, Gary Cahill.

Halkaan hoose ka eeg liiska 10ka ciyaaryahan ee uu safashada badan Premier League ee weli ka ciyaaraya horyaalka:

1- James Milner (Liverpool) – 517 kulan

2- Leighton Baines (Everton) – 412 kulan

3- Aaron Lenon (Burnley) – 373 kulan

4- Phil Jagielka (Sheff United) – 360 kulan

5- Ashley Young (Man United) – 357 kulan

6 – Mark Noble (West Ham) – 350 kulan

7 – Gary Cahill (Crystal Palace) 349 kulan

8 – Joe Hart (Burnley) – 340 kulan

9 – Ben Foster (Watford) – 327 kulan

10 – Theo Walcott (Everton) – 321 kulan

Advertisements