Taageerayaasha Chelsea Oo Qiimeyn Xun Ka Qoray Maqaaxida David Luiz Ee London Ka Dib Markii Uu U Wareegay Arsenal

Advertisements

Maqaaxida uu David Luiz ku leeyahay magaalada London ayaa qiimeyn aad u xun ka heshay taageerayaasha Chelsea ee ka careysan heshiiskii uu ugu wareegay kooxda Arsenal.

Daafaca dhexe David Luiz ayaa ka yaabsaday Blues ka dib markii uu ogolaaday inuu heshiis 8 milyan ginni ah ugu wareego Emirates Stadium inkastoo uu qandaraas cusub oo labo sannadood ah uu saxiixay bishii May.

Taageerayaasha ayaana uga aargutay iyagoo faalooyin aad u xun ka qoray maqaaxida Talyaaniga ee uu xiddiga Brazil leeyahay ee lagu magacaabo Babbo.

Qaarkood si dadban ayay u weerarayeen halka kuwa kale uu dagaalkooda iska cad yahay ka dib markii uu Luiz u wareegay Arsenal.

Mid ka mid ah dadkii faalada xun ka qoray maqaaxida David Luiz oo baxsaday magaca ‘Frank Lampard’ ayaa ku tilmaamay maqaaxiada Babbo mid la buunbuuniyay oo qaali ah, waxaana uu sheegay inaysan maqaaxida u fiicneyn sidii ay ahaan jirtay.

Waxa uu qoraalkiisa raaciyay in weytarka uu maqaaxida u rarayo Waqooyiga London. Waxaana ku iri buu yiri, waa okay, waana isaga soo baxay anigoo ogsoon inay jiraan seddex maqaaxi Talyaaniga oo ka fiican kana horeeya kiisa.”

Taageerahaan ayaa si dadban u tilmaamaya in David Luiz uu yahay xiddig laga badbadiyay tayadiisa, inuusan u fiicneyn sidii hore islamarkaana ay jiraan seddex daafac dhexe oo isaga ka fiican kana horeeya.

Faalada laga bixiyo maqaaxida ama ganacsiga waa mid saameyn ku yeelata dadka doonaya inay goobtaas ka cunteeyaan waana sababta ay taageerayaasha u doonayaan inay u dhibaateeyaan David Luiz ganacisgiisa carro darteed.

Qofka kale ayaa TripAdvisor ku qoray: “Waa mid ka mid ah meelaha ugu xun ee aan abid tagay. Booqashadeyda waxaa ku ciyaartay adeeg xumo, cunto aad u xun, waxaana ugu sii darnaa markii uu dooli weyn ka soo baxay jikada.

 Fans suggested Luiz was a snake with their reviews of his restaurant

“Uma laaban doono, mana kula talin doono qof kale inuu tago meeshaan uu dooliga ka buuxo.”

Xitaa tinta David Luiz ayaa la weeraray iyadoo faalo qore kale uu yiri: “Saxanka cunteyda ay ku jirta waxaa dulsaarnaa tin duuduuban, waxaan ii muuqday saxarada dooliga oo dhulka yaala…”

“Qofna kulama taliyeen halkaan. Waxaan maqaaxidaan u sheegay xaalkeeda dadka ku shaqada leh fayadhowrka.”

David Luiz maqaaxida waxa ay wada leeyihiin saaxiibkiisa kale ee Brazil Willian waxaana ay caan ku tahay inay ka cunteeyaan ciyaartoyda kale iyo dadka caanka ah.

Tan iyo markii la furay bishii April sannadkii la soo dhaafay, Rio Ferdinand, Ronaldo iyo Niall Horan ayaa tagay.

Advertisements