WARBIXIN: Halkan Kaga Boggo 12-ka Ciyaartoy Ee Nasiibka Weyn Leh Ee Koox/Xul Lasoo Wada Wadaagay Cristiano Ronaldo & Lionel Messi.

Advertisements

Dabcan Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi waa labada ciyaartoy ee ugu wanaagsan jiilkan haddiiba aysan ahayn labada ciyaartoy ee ugu wanaagsan taariikhda kubadda cagta.

Lionel Messi ayaa usoo ciyaaray kaliya kooxdiisa haatan ee Barcelona halka Ronaldo oo aann qudhiisu kooxo badnayn uu soo matalay afar kooxood oo kala duwan.

Waxa jira 12 ciyaartoy oo nasiib ahaan ka wanaagsan dhammaan xiddigaha kale ee kubadda cagta isla markaana wakhtigu awood usoo siiyay inay qol labis la wadaagaan labada xiddig ee ugu wanaagsan jiilkan.

Sidoo kale waxa jira laba ciyaartoy oo kaliya oo 12-kaas ka tirsan oo heer kooxeed kula soo wada ciyaaray Ronaldo iyo Messi waana Gerard Pique iyo Henrik Larsson oo labaduna Man United iyo Barcelona soo wada matalay.

Tirada ugu badan ayaa ah kuwo xiddigahan la wadaagay xul iyo qaran waxaana kamida xiddigaha haatan nasiib wanaagaas haysta Paulo Dybala kaas oo toddobaad kasta ku dhawaad la ciyaara Ronaldo sidoo kalena wakhtiyo badan Messi kula kulmay Argentina.

Liiskan 12-ka ciyaartoy ah ayaa la filayaa inuu sidaas u koobnaan doono tan iyo marka ay Ronaldo iyo Messi qudhoodu isku hal koox kawada ciyaarayaan haddiiba ay dhacdo.

Halkan Hoose Kaga Boggo 12-ka Xiddig Ee Kasoo Wada Garab Ciyaaray Ronaldo & Messi Iyo Meelaha Ay Kusoo Kulmeen.

Gerard Pique (Manchester United iyo Barcelona)

Andre Gomes (Portugal iyo Barcelona)

Gonzalo Higuain (Real Madrid iyo Argentina)

Henrik Larsson (Manchester United iyo Barcelona)

Nelson Semedo (Portugal iyo Barcelona)

Ezequiel Garay (Real Madrid iyo Argentina)

Deco (Portugal iyo Barcelona)

Fernando Gago (Real Madrid iyo Argentina)

Gabriel Heinze (Manchester Untied iyo Argentina)

Angel di Maria (Real Madrid iyo Argentina)

Carlos Tevez (Manchester United iyo Argentina)

Paulo Dybala (Juventus iyo Argentina)

Advertisements

FBL-ITA-SERIEA-BOLOGNA-JUVENTUS

FBL-COPA AMERICA-2019-ARG-CHI