Cristiano Ronaldo Oo Abaalmarin Weyn Ku Guuleystay Kana Hadlay Kooxda Uu Si Weyn Ugu Xiisay Real Madrid Ama Manchester United

Advertisements

Cristiano Ronaldo ayaa qiray inuu u xiisay nolashii Real Madrid in ka badan inta uu u xiisay Manchester United.

Ronaldo ayaa soo gabagabeeyay sagaal sannadood oo uu joogay Real Madrid xagaagii la soo dhaafay isagoo ku biiray Juventus.

Xiddiga Portugal ayaa kooxdiisa ka caawiyay hanashada horyaalka Serie A xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay, waxaana uu rajeynayaa inuu guulo kale la gaaro xilli ciyaareedyada soo socda.

Ronaldo ayaa weli si wacan u xusuusta caasimada Spain waxaana uu maanta ku laabtay Madrid si loo gudoonsiiyo abaalmarinta Halyeeyga ee uu jariirada Marca ee MARCa Legend Award.

Abaalmarintaan qaaliga ah ee ay sameysay wargeyska Isbaanishka ayaa waxaa hore loo soo siiyay xiddigo ay ka mid yihiin Lionel Messi, Usain Bolt iyo Allaha u naxariistee Muhammad Ali.

Markii abaalmarinta la gudoonsiinayay Ronaldo ayaa yiri: “Magaaladaa waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu qurxoon dunida.

“Wax badan ayaan safraa laakiin ma aanan arkin magaalooyin badan oo u dhigma Madrid. Waxaan rajeynayaa inaan ku soo laabto Madrid sida ugu macquulsan sababtoo ah waan jeclahay magaaladaan.”

Ronaldo ayaa waxaa u hambalyeeyay madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez, waxaana wareysay caruur ka qeyb gashay xaflada oo weydiiyay kooxda uu u xiisay Real ama Manchester United.

“Waan u xiisay labadoodaba, laakiin waqti badan ayaan ku qaatay Real Madrid, qoyskeyga ayaana halkaan ku koray sidaasi darteed Real Madrid ayaan wax badan u xiisay.” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Iima sahlaneyn inaan ka tago Real Madrid ka dib sagaal sannadood oo joogay.”

Advertisements