“Martial Aad Ayuu U Faraxsanaa Laakiin Pogba …..” – Dareenkii Qolka Labiska Ee Xiddigaha Man United Kaddib Caydhintii Jose Mourinho Oo Banaanka La Keenay.

Advertisements

Xiddig ka tirsanaan jiray akaademiga kooxda Manchester United oo aan magaciisa la xusin ayaa banaanka keenay sidii uu noqday qolka labiska kooxda waaweyni kaddib markii la caydhiyay tababarihii hore ee kooxda ee Jose Mourinho.

Mourinho ayaa kahor inta uusan ka bixin Manchester xidhiidho aad u xun la lahaa qaar kamida xiddigaha kooxdaas oo ay ugu horreeyeen labada xiddig ee ree France ee Paul Pogba iyo Anthony Martial.

Pogba oo ahaa ciyaartoyga ay sida cad iskugu dhacsanaayeen Mourinho ayuu marka hore xidhiidhkoodu ahaa mid si quman oo wanaagsan ku bilawday kaddib markii ay kooxda si wada jir ah uga caawiyeen inay ku guuleysato EFL Cup iyo Europe League.

Si kastaba, Xaalada ayaa noqotay mid xun xilli ciyaareedkii saddexaad ee ay kuwad qaadanayeen kooxda waxaana ugu dambayn ay kooxdu go’aansatay inay caydhiso Mourinho bishii December ee 2018 markaas oo ay United 11 dhibcood ka hoosaysay kaalinta afraad.

Haddaba, Shaqsiga haatan bixiyay warbixintan ku saabsan dareenkii xiddigaha kooxda ayaa sheegay in inta ugu badan laga faraxsanaa qolka labiska maadaama xiddigo badani aysan jeclayn hab dhaqanka Jose.

Dhinaca kale isla shaqsigan ayaa sheegay in sidii la filayay uu farxad weyn dareemayay Anthony Martial oo Mourinho dhib ku qabay balse waxa uu si layaab leh u sheegay in Pogba uusan u muuqan mid faraxsan.

Xog sidahan ayaa yidhi “In badan oo kamida ciyaartoyda kooxda waaweyni may jeclayn Mourinho, Qaarkood way bood-boodayeen oo ay qoslayeen kaddib markii la caydhiyay”

“Ciyaartoyda aad rajaynayseen inay ahaadaan kuwo aad u faraxsan sida Anthony Martial waxay ahaayeen kuwo aad u faraxsan, Pogba uma uusan muuqan mid faraxsan inkastoo aanan filayn in isaga iyo Mourinho ay abid si toos ah iskugu dhaceen”

Advertisements