“Inaan Kusoo Bilawdo Shaxda Waxay Noqon Doontaa Wax Adag” – Matthijs De Ligt Oo Haatanba Kasii Deyriyay Haddii Uu Boos Ka Heli Doono Shaxda Juventus.

Advertisements

Da’yarka daafaca dhexe ee xulka qaranka Holland ee Matthijs De Ligt oo dhawaan kusoo biiray kooxda Juventus ayaa haatanba wer wer kasii muujiyay haddii uu wax boos ah ka heli doono shaxda kooxdiisa xilli ciyaareedka cusub.

De Ligt ayaa ahaa mid kamida xiddigaha ugu hadal haynta badan suuqa xagaagan balse waxa uu ugu dambayn heshiis 70 Milyan ah ugu wareegay Juventus isaga oo dhabarka u jeediyay kooxo badan oo Yurub ah.

Da’yarkan ayaan kooxdiisa cusub ku heli bilaabashada ugu fiican waxaana wakhtiga ugu xun ee uu ilaa haatan kusoo qaatay uu yahay goolkii uu iska dhaliyay kulankii Inter Milan oo ahaa midkiisii ugu horreeyay ee uu kusoo bilawdo.

Haddaba, Iyadoo ay sidaas tahay ayuu De Ligt si xoogan u amaanay xiddigaha ay koox wadaaga yihiin, De Ligt ayaa sheegay inay adkaan doonto inuu fursad ka helo xiddigo dhammaantood diirada saaraya ciyaartooda isagoo dhinaca kale sheegay inuu khibrad helayo maalin kasta.

Matthijs oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi “Waxaan la yaabanahay heerka qofkasta iyo qaab ciyaareedkiisa, Iyagu dhammaantood waa kuwo diirarada saaraya”

“Inaan ka ahaado mid shaxda kusoo bilawda ciyaartoy sidan oo kale ah way adkaan doontaa, Laakiin waxaan samayn doonaa waxayga ugu wanaagsan sida aan inta badanba isku dayo inaan sameeyo”

“Iyagu waa kuwo aad u maad badan waxaananu haysanaa ciyaartoy leh khibrad badan, Waxbaan baranayaa maalin kasta”

Advertisements