Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ee Ay Caawa Fiidkii Qoreen Wargeysyada Yurub

Habeen wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel walba oo aad joogtaan, sida aan inooga barateen waxaan caawa oo Talaado ah idiin soo gudbineynaa wararkii ugu danbeeyay ee ay qoreen wargeysyada iyo warbaahinta qaarada Yurub ee ku saabsan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

FIIRO GAAR AH: Wararka Suuqa kala iibsiga  waxaa xaqiiqonimadooda iska leh hadba wargayska ku hor qoran ee xogta suuqa helay, sidaa daraadeed, shabakada Laacib kama masuul aha xaqiiqinimada warararka suuqa kala iibsiga maadaama oo aanu soo turjunay oo kaliya.

suuqa kala iibsiga

WARARKA SUUQA KALA IIBSIGA

Barcelona ayaa si aad ah u xiiseyneysa inay Junior Firpo keento Camp Nou xagaagan si uu booska daafaca bidix kula tartamo Jordi Alba islamarkaana uu u noqdo bedelkiisa mustaqbalka. Daafacaan oo 23 jirka noqonaya bisha Agoosto ayaa qandaraaskiisa Real Betis waxaa lagu burburin karaa 50 milyan euro. (Marca)

Kieran Trippier ayaa u safraya magaalada Madrid si uu tijaabada caafimaadka ugu maro kooxda Atletico ka dib markii Tottenham ay ogolaatay inay 20 milyan ginni ku iibiso. Atletico ayaana raadineysay daafac midig madaama ay heystaan kaliya Arias iyo xiddiga aan aqoon Vrsaljko ka dib markii ay macsalaameeyeen Juanfran. (Daily Mirror)

Christian Eriksen ayaa ka mid ah liiska xiddigaha ay dooneyso Atletico Madrid kuwaasoo suuqa ugu jira inay soo xerogeliyaan xiddig kubadsameeye heer sarre ah. (London Evening Standard)

Kurt Zouma ayaa la duulay ciyaartoyda kala ee Chelsea ee tagay dalka Japan xilli la isla dhexmarayo inuu heshiis joogta ah ugu wareegayo Everton oo uu amaah ku joogay xilli ciyaareedkii hore. (Liverpool Echo)

Arsenal ayaa ku dhow saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Gremio iyo xulka Brazil Everton Soares kaasoo ka mid ahaa xiddigii ugu fiicnaa ee xulka Brazil ee hantay Copa America. Waxa uu aad uga jaban yahay xiddigii kale ee ay doonayaan Wilfried Zaha. (Marca)

Frank Lampard ayaa sheegay inuu doonayo in Callum Hudson-Odoi inuu baaqi ku sii ahaado Chelsea xilli ay xiiseyneyso Bayern Munich, Qandaraaska ciyaaryahanka ayaa dhacaya bisha Juun 2020 iyadoo Blues ay dooneyso inuu qandaraaska u kordhiyo. (Daily Mirror)

Atletico ayaa diyaar u ah inay sugto oo ay sabar u muujiso soo xerogelinta xiddiga Real Madrid James Rodriguez madaama ay ogsoon yihiin in la soo wareegtiisa aysan sahlaneyn. (Marca)

Wakiilka Gareth Bale ayaa wax laga weydiiyay wararka xiddigiisa la xiriirinaya kooxdiisa hore ee Tottenham waxaana uu ku jawaabay: “Kama hadlo wararka qashinka ah.” (Marca)

RASMI: Bayern Munich ayaa la soo wareegtay weeraryahanka 18 jirka Leon Dajaku iyagoo kala soo wareegay kooxda Stuttgart, waxaana uu u saxiixay heshiis ilaa iyo 2023.

RASMI: Kooxda Paris Saint-Germain ayaa heshiis ku dhow 30 milyan euro waxa ay kula soo wareegtay daaficii kooxda Borussia Dortmund 23 jirka Abdou Diallo kaasoo kooxda Faransiiska u saxiixay qandaraas shan sannadood ah.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay in Fred uu mustaqbal ku leeyahay Manchester United iyadoo xiddigaan oo sannad ka hor 53 milyan ginni uga soo wareegay Shakhtar Donetski ay xiiseynayeen kooxaha Roma iyo Galatsaray. (Daily Mirror)

Xiddiga qarka u saaran inuu u wareego Manchester United ee Harry Maguire ayaa seegaya kulanka saaxiibtinimo ee ay caawa kooxda Leicester City la ciyaareyso Scunthorpe iyadoo xiddigaan la filayo inuu isbuucaan tijaabada caafimaadka u maro Man United. (Daily Mirror)

Arsenal ayaa hal talaabo u jirta inay kala heshiiso kooxda Real Madrid saxiixa Dani Ceballos. Gunners ayaa amaah ku dooneyso xiddiga reer Spain madaama uusan boos joogta ah ka heysan Bernabeu. (AS)

Manchester United ayaa caqabad kala kulantay doonisteeda Sergej Milinkovic-Savic ka dib markii Lazio ay duldhigtay xiddiga khadka dhexe qiimo gaaraya 90 milyan ginni. (Sky Sport Italia)