SAWIR: Xiddigii Man United U Doonaysay Inuu Bedelka Romelu Lukaku Noqdo Oo Maanta Tababarka Kusoo Laabtay Isagoo Si Xun U Cayilay (Naaxay).

Manchester United ayaa suuqa xagaagani u yahay mid ay doonaysay inay wax badan ka bedesho safkii kooxdeeda ee xilli ciyaareedkii hore qaabka xun u fashilmay waxaana rabitaankeeda kamida weeraryahan dhexe.

Romelu Lukaku ayaa haatan ah weeraryahanka dhexe ee kooxdaas balse waxa uu cadaadis kala kulmay tababare Ole Gunnar Solskjaer oo booskaas in badan usoo adeegsaday Marcus Rashford mudadii uu xilka hayay.

Lukaku ayaa maamulka kooxdiisa ku qasbaya in go’aan deg deg ah laga gaadho mustaqbalkiisa isaga oo xiiso ka helaya kooxda ree Talyaani ee Inter Milan iyo tababaraha dhawaan qabsaday ee Antonio Conte oo taageere u ah Lukaku.

Tababare Solskjaer ayaa la sheegay inuu Lukaku u sheegay inuu joogo oo uu booskiisa u dagaalamo balse waxkasta ayaa kala cadaan doona toddobaadka soo socda sida uu Lukaku shalay u sheegay saxaafad uu waraysi siiyay.

Si kastaba, Weeraryahanka Sevilla ee Wissam Ben Yedder ayaa isaga oo ceeb ciyaartoy leh kusoo laabtay tababarkii maanta ee kooxdiisa waxaana xusid mudan inu ku jiray liiska weeraryahanada Old Trafford looga gacan haadinayay.

Ben Yedder ayaa laga qabtay sawir si deg deg ah ugu faafay barta Twitter-ka kaas oo muujinaya inuu saa’id usoo cayilay oo ay baruuri kortay gaar ahaan caloosha.

Halkan Hoose Kaga Boggo Sawirkan

SAWIR: Xiddigii Man United U Doonaysay Inuu Bedelka Romelu Lukaku Noqdo Oo Maanta Tababarka Kusoo Laabtay Isagoo Si Xun U Cayilay (Naaxay).

Si kastaba ha ahaatee, Lama oga hadii maamulka Man United oo hore loo sheegay inay heshiiska shaqsiga ah la gaadheen xiddigani ay wali kusii raad-joogi doonaan rabitaankiisa.