Eden Hazard Oo Lambar Uusan Abid Xidhan U Qaadan Doona Real Madrid & Sababta Uu Ku Doortay Oo La Shaaciyay.

Eden Hazard ayaa haatan in mudo ah soo ahaa ciyaartoy Real Madrid ah balse waxaan wali lasiinin lambar rasmi ah oo uu xidho kuna xisaabtamo xilli ciyaareedkiisa ugu horreeya ee kooxda.

Real Madrid ayaa dhammaystirtay saxeexa Hazard oo ay sanadihii ugu dambeeyay daba socotay waxaana ay kula soo saxeexdeen 100 Milyan isaga oo qalinka ku duugay qandaraas mudo shan sano ah kusii haynaya kooxda.

Si kastaba, Wargeyska ugu xog ogaalsan dalka Spain gaar ahaan magalada Madrid ee Marca ayaa banaanka keenay in Eden uu xidhan doono maaliyada No.23 oo uusan abid hore ugu soo xidhan koox.

Dad badan ayaa markii hore aaminsanaa in Hazard uu xidhan doono No.7 iyadoo xataa ay baraha bulshada ku faafeen sawiro muujinaya in dukaanka Real Madrid lagu iibiyay maaliyado magaciisa ah oo No,7 lagu daabacay.

Haatan waxay u badantahay in Hazard uusan qaadan doonin No.7 oo uu hore usoo xidhay xiddiga uu booskiisii buuxinayo ee Cristiano Ronaldo isla markaana uu wakhtigan kooxda u qaato Mariano Diaz.

Haddaba, Maxay tahay sababta uu 28 jirkani lambarkan ku doortay? Marca ayaa sheegaya in Hazard uu lambarkan u doortay sababtoo ah shaqsiyaadka ciyaaraha caanka ka ah ee xidha sida Michael Jordan iyo LeBron James iyo waliba inuu hore Real ugu soo xidhay David Beckham.

23 ayuu xilli ciyaareedkii hore Los Blancos u xidhnaa daafacii bidix ee Sergio Reguilon balse xiddigaas ayaa qaab amaah ah dhawaan loogu diray kooxda Sevilla.

Eden Hazard Oo Lambar Uusan Abid Xidhan U Qaadan Doona Real Madrid & Sababta Uu Ku Doortay Oo La Shaaciyay.