Labo Gool Oo Uu Dhaliyay James Milner Oo Ka Caawisay Liverpool Inay 3-1 Ku Garaacaan Bradford City

James Milner ayaa labo gool dhaliyayay qeybtii hore ee ciyaarta isagoo xusuusiyay tababare Jurgen klopp in weli lugihiisa aysan daalin inkastoo uu 33 sanno jir ah yahay kulankii saaxiibtinimo ee ay 3-1 ku garaaceen kooxda Bradford City oo marti loo ahaa.

Xiddiga khadka dhexe ayaa goolasha furay daqiiqadii 14aad markii uu kubad uu si fiican ugu qaaday goolka uu shabaqa iska sii geliyay xiddiga Bradford ahna weeraryahankii hore ee Everton James Vaughan.

Labo Gool Oo Uu Dhaliyay James Milner Oo Ka Caawisay Liverpool Inay 3-1 Ku Garaacaan Bradford City

Goolkii labaad ee uu dhaliyay waxa uu ahaa rigoora ka dib markii daafaca Ben Richards-Everton uu qalad ku galay Ryan Kent, waxaana si deganaan ah shabaqa u dhex dhigay gool ku laadka Milner.

Markii ay soo dhaweyd waqtigii nasashada Rhian Brewster ayaa dhaliyay goolka seddexaad isagoo kubad ka tuuray xagal ciriir ah laakiin waxa ay ku sii dhacday goolhaye Richard O’Donnell.

Eoin Doyle ayaa rigoore xilli danbe u dhaliyay kooxda heerka afaraad ee Ingariiska iyadoo ciyaarta ay ku soo dhamaatay 3-1 oo ay guusha ku raacday kooxda Red.

Kulankaan oo ahaa mid tabarucaad ah oo lacag loogu uruurinayay hay’ada tabarucaada Simon Darby ayaa tababare Klopp uu soo kala geliyay labo saf ciyaartoy labadii qeyb ee ciyaarta.

Iyadoo Alex Oxlade-Chamberlain, Adam Lallana, Joe Gomes, Divock Origi iyo Joel Matip ay ka mid ahaayeen ciyaartoydii dheeshay qeybta hore ee ciyaarta.