Man United Iyo Leicester Oo Ka Heshiiyay Saxiixa Harry Maguire & Waqtiga Tijaabada Caafimaadka Uu Marayo Oo La Ogaaday

Wargeyska The Sun ayaa goor dhow shaaciyay in Manchester United ay heshiis rikoor adduun ah oo gaaraya 80 milyan ginni la gaartay kooxda Leicester City oo ku aadan saxiixa Harry Maguire.

Sida wargeyska uu sheegay ciyaaryahanka England ayaa berri oo Isniin ah u soo duuli doona Manchester si uu tijaabada caafimaadka u maro.

The Sun waxay sheegtay in United ay bixin doonto 60 milyan ginni oo kaash ah iyo 20 milyan ginni oo sharuudo ay ku xirnaan doonaan iyagoo lacagtaas kula soo wareeaya daafaca 26 jirka Harry Maguire.

Man United Iyo Leicester Oo Ka Heshiiyay Saxiixa Harry Maguire & Waqtiga Tijaabada Caafimaadka Uu Marayo Oo La Ogaaday

Waxaana ay taasi ka dhigeyaa daafaca ugu qaalisan dunida iyagoo jabinaya rikoorkii Virgil van Dijk oo ay Liverpool ku soo iibsatay 75 milyan ginni sannadii hore ee 2018.

Leicester City ayaa la sheegay inay durbaba heshay bedelka hogaamiyahooda iyagoo 45 milyan ginni kula soo wareegaya daafaca kooxda Brighton Lewis Dunk oo 27 sanno jir ah.

Manchester United ayaa ku garaacday saxiixa daafaca dhexe deriskooda Manchester City kuwaasoo iyagana xiiseynayay Maguire.

Labada kooxood e Manchester ka dhisan ee City iyo Red Devils ayaa hore looga soo diiday dalab 70 milyan ginni ah oo ay ka gudbiyeen daafaca Leicester.

Laakiin ka dib markii ay madaxada Old Trafford sarre u qaadeen dalabkooda ayay The Sun sheegtay in Leicester ay aqbashay heshiiska.

Waxaana ay arintaan imaaneysaa maalmo ka dib markii uu Maguire ku eedeeyya Leicester inay duldhigaan qiimo aysan awoodin kooxaha isaga xiiseynaya.

Jose Mourinho ayaa si weyn u doonayay inuu daafaca dhexe la soo wareego xagaagii la soo dhaafay ka dib wacdarihii uu u dhigay xulka England ee ka qeyb galayay Koobka Adduunka.

Leicester ayaa daafacaan ku soo iibsatay 17 milyan ginni sannadii 2017 waxaana ay ka sameynayaan faa’ido kaash ah oo gaareyso 43 milyan ginni oo ay sii dheer tahay 20ka milyan ginni ee loo yaryareyn doono