“Yaa Yidhi Van Dijk Cidi May Dhaafin, Aniga Ayaaba Xasuusta Inaan Dhawr Jeer Maray Sanadkan” – Xiddig Tottenham Ah Dunida Fajac Ku Riday.

Weeraryahanka kooxda Tottenham ee Lucas Moura ayaa noqday shaqsiga qabsaday boggaga hore ee saxaafada kubadda cagta kaddib markii uu hadal miisaan leh ka sheegay daafaca dhexe ee Liverpool ee Virgil Van Dijk.

Moura ayaa waraysi siiyay barta Youtube-ka ee lagu magacaabo Desimpedidos waxana uu ka hadlay qoddobo dhawr ah oo ay kamid ahaayeen Final-kii UEFA Champions League, Inuusan kusoo bilaaban iyo wararka sheegaya inaan Van Dijk hal mar la dhaafin.

Moura oo ugu horreyn ka hadlaya Final-kii CL ee ay Liverpool u waayeen ayaa sheegay inuu ka cadhooday in keydka la dhigay isla markaana uu niyad jab balaadhan sii qaaday markii koobka looga guuleystay.

“Dabcan waan ka cadhaysnaa in aanan kusoo bilaaban, Waxaan jeclaan lahaa inaan kusoo bilawdo laakiin waxaan sii cadhooday markii aanu guuldaraysanay” Ayuu hadalkiisa ku furtay Moura.

“Xaqiiqdii waxaanu aaminsanayn inaanu noqon karno horyaal, Wayna adkayd, Wax badan ayaan ooyay kulanka kaddib sababtoo ah aad ayaan ugu dhawaa, Aad ayaan ugu dhawaa”.

Dhinaca kale Moura oo wax laga weydiiyay arrimaha Van Dijk ayaa marka hore si weyn u amaanay daafaca Reds balse sheegay inay been abuur yihiin wararka sheegaya inaan dhawr bilood si fool ka fool ah loo garaacin oo aan la dhaafin isla markaana uu isagu dhaafay sanadkii dhawaa dhawr jeer.

Moura ayaa markale yidhi “Wiilku (Van Dijk) waa mid wanaagsan, Isagu waa laba mitir, Isagu waa mid xoogan waxaana uu aad ugu haboon yahay kooxda Liverpool sidaa darteed waxa uu qaatay xilli ciyaareed aad u wanaagsan, Waxa uu ahaa midka ugu wanaagsan Premier League, Anigaa sidaas u malaynaya”

“Haatan ma ogi haddii su’aashani ay tahay  mid run ah, Iyagu waxay yidhaahdaan lama dhaafin ilaa iyo …. bilo kahor, Waxkasta oo ay tahayba taasi maaha run sababtoo ah aniga ayaa xasuusta inaan dhawr jeer dhaafay sanadkan”

“Waan ogahay gool ayaan ka dhaliyay Liverpool, Waanu guuldaraysanay laakiin gool ayaan ka dhaliyay Liverpool, Isagana (Van Dijk) gadaal ayaa lagaga tagay, Laakiin isagu waa mid cajiib ah”