CADDAYN: Ajax Oo Bixisay Qishkii Ugu Weynaa Ee Caddayn Buuxda U Noqonaya In Matthijs De Ligt Uu Xiddiga Juventus Ah Noqonayo Saacadaha Soo Socda.

Kooxda ree Holland ee Ajax ayaa bixisay xog cusub taas oo qish ka bixinaysa mustaqbalka kabtanka kooxdeeda ee Matthijs De Ligt kaas oo la filayo inuu saacadaha soo socda u wareegi doono kooxda Juventus.

Qishka cusub ee ay bixisay Ajax ayaa ah in ay kabtankeedan oo mustaqbalkiisu cirka ku shareernaa bilihii ugu dambeeyay ay ka reebtay liiska xiddigaha kooxdeeda ee u safraya dalka Austria si ay ugaga qayb qaataan kulamo ka horreeya xilli ciyaareedka.

Kooxda difaacanaysa horyaalka Eredivise ayaa shaacisay warbixin ay ku sheegtay in xiddiga kooxdeedu uu sugayo heshiis uu ku baxo oo macquul ah walow aysan kooxda uu ku dambayn doono shaacinin.

Matthijs De Ligt ayaa heshiiska shaqsiga ah xilli horeba la gaadhay Bianconeri sida uu xaqiijiyay wakiilkiisa Mino Raiola waxaana la filayaa in kooxda ree Talyaani ay heshiis 70 ilaa 75 Milyan o euro ah kula saxeexan doonto.

De Ligt ayaa Jimcihii doraad ahaaba tababar la qaatay Ajax balse wada xaajoodkii ayaa la sheegay in midho dhal laga gaadhay wakhtigaas kaddib.

Haatan waxay waxkasta u muuqdaan kuwo ah dhinaca Juventus waxaana kaliya hadhsan inay si rasmi ah u shaaciyaan heshiiska De Ligt oo noqonaya shaqsigii toddobaad ee guud ahaan kooxda ku cusub xilli suuqan.

De Ligt ayaa kasoo mid ahaa xiddigaha inta ugu badan laga doonayay suuqa kala iibsiga waxaana lala soo xidhiidhiyay kooxaha Manchester United, Barcelona iyo PSG balse Juve ayaa si deg deg ah u noqotay mida waxkasta ku dhaw.