Xiddiga Man United Marcos Rojo Oo Ka Qaxay Hotelkii Uu Deganaa Ka Dib 4 Dalxiisayaal Oo Ku Dhintay Hotelka

Daafaca Manchester United Marcos Rojo ayaa lagu qasbay inuu isaga qaxo hotelkii uu dalxiis ku joogay ee ku yaalay dalka Dominican Republic halkaasoo ay ku dhinteen dalxiisayaal.

Robert Bell Wallace oo 67 sanno jir ahaa ayaa noqday qofkii afaraad ee ku dhinta hoteelka raaxada ee ku yaala jasiirada Caribbean-ka labadii bilood ee u danbeysay.

Marcos Rojo ayaana isaga guuray hotelka Hard Rock & Casina ka dib markii uu ogaaday geerida dalxiisayaasha.

Daafaca Manchester United ayaa ku maqnaa safar kaluumeysi ah markii la shaacinayay in Robert Bell Wallace uu yahay dalxiisihii afaraad ee ku dhinta hotelka.

Rojo, oo la filayo inuu isaga tago Old Trafford xagaagan ayaan ka warqabin geerida dalxiisayaashaan.

Daafaca dhexe ee reer Argentina ayaa sawiro fasaxiisa ah soo dhigayay baraha bulshada, waxaana uu haatan isaga guuray hotelka isagoo fasaxiisa ku dhameysanaya meel kale.

Inkastoo uu jiro shaki ah in dalxiisayaasha dhintay la sumeeyay hadana saraakiisha Dominican Republic waxay sheegayaan in dadkaan ay dhinteen geeri dabiici ah.


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*