Maxaa Ka Jira In Kylian Mbappe Uu SHURUUDO Ku Xidhay PSG Si Ay Uga Ilaashadaan Real Madrid? Mbappe Qudhiisa Ayaa Ka Jawaabay

Da’yarka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa warcelin ka bixiyay wararka sheegaya inuu saddex shuruudood hordhigay kooxdiisa haddii ay doonayaan inuu kusii negaado kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Xalay ayuu Mbappe samaystay taariikh weyn isaga oo gaadhay goolkiisii 100-aad ee waayihiisa ciyaareed ee kubadda cagta heerka sarre kaddib gool uu ka dhaliyay xulka Andorra.

Mbappe ayaa ku guuleystay inuu si buuxda diirada u saaro waajibaadkiisa xulka qaranka ee kulamada isreeb-reebka EURO 2020 marka laga yimaado inuu eedaymo badan dhawaanahan kala kulmayay saxaafada.

Wariye Dominique Sévérac oo weerar ku qaaday Mbappe kaddib markii uu 22 jeer kubadda lumiyay kulankii Turkey-ga ayaa soo daabacay “Mbappe, Goormaad fasaxa galaysaa?”

Waxa soo baxay warar sheegaya in Mbappe uu tiraba saddex shuruudood hordhigay kooxdiisa balse 19 jirkan oo isticmaalaya barihiisa bulshada gaar ahaan barta Twitter ayaa haatan wararkaas qashinka ku daray.

Saddexda shardi ee uu Mbappe ku xidhay Paris Saint-Germain ayaa lagu kala sheegay inuu doonayo la wareegista masuuliyada rigoorayaasha ugu horreynba kana hor maro Cavani iyo Neymar.

Sidoo kale Mbappe ayaa la sheegay inuu dalbaday ka ciyaarista booska weeraryahanka dhexe iyo qoddobka saddexaad oo ah inuu doonayo in kooxdiisu u guurto shaxda 4-4-2.

Mbappe oo wararkaas ku beeninaya Twitter-ka ayaa yidhi “Waan ka xumahay wax ayaad ilawday, Kylian Mbappe waxa uu doonayaa inuu ciyaaro door goolhaye……. Warar been abuur ah”

 


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*