Kulamada Furitaanka Ee Xilli Ciyaareedka Cusub Ee Premier League 2019-20 Oo Si Sir Ah Loo Baahiyay

Barri oo khamiis ah waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa jadalka isku aadka kulamada horyaalka premier league ee xili ciyaareedka cusub ee 2019/2020 laakiin ka hor waxaa la helay sawir muujinaya kulamada furitaanka Premier league ee xili ciyaareedka cusub.

Sawirka la sheegay in uu yahay kulamada furitaanka xili ciyaareedka cusub ee Premier league waxaa xataa la socda TV-yada laga baahin doono iyo taariikhda kulamadan la ciyaari doono.

Sawirka la helay waxaa ka soo muuqday kulamada furitaanka premier league ee xili ciyaareedka cusub iyada oo haddii ay tahay in sawirkan la rumaysto ay kooxda Tottenham ku furan doonto kulan waqti qadaha England la ciyaari doono oo ay wajihi doonto kooxda Norwich City.

Sida sawirka la soo dusiyay ka muuqata kooxda Arsenal ayaa kulanka furitaanka xili ciyaareedka cusub marti u noqon karta kooxda ay London ka wada dhisan yihiin ee Crystal Palace kaas oo la ciyaari doono sabtida, August 10,2019.

Sida xogtan ka muuqata Liverpool ayaa kulanka ugu danbeeya ee maalinta furitaanka waxay garoonka Turf Moor ku booqan kartaa kooxda Burnley.

Manchester United ayaa sawirkan kaga soo muuqatay in ay Old Trafford ku soo dhawayn doonto kooxda Brighton taas oo haddii ay xaqiiq noqoto ay ku heli karto bilaabashada uu Solskjaer xili ciyaareedka cusub uga baahan yahay.

Kooxda koobka premier league difaacanaysa ee Manchester City ayaa maalinta isniinta August 11 booqan doonta kooxda dhibta badan ee Wolves haddii ay tahay in la rumaysto sawirka la soo dusiyay ee kulamada furitaanka xili ciyaareedka cusub.

Halkan Kaga Bogo Sawirka Lagu sii Shaaciyay Kulamada Furitaanka Premier league ee Xili Ciyaareedka cusub:

Laakiin barri oo khamiis ah waxa uu maamulka premier league si rasmi ah ugu dhawaaqi doonaa jadwalka isku aadka xili ciyaareedka cusub ee 2019/2020 oo dhamaystiran.


1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*