“Haddii Colombia Ay Ku Guuleysan Weyso Copa America, Timaha Ayaan Iska Xiirayaa”

Rene Higuita waa mid ka mid ah goolhayayaasha ugu caansan caalamka kubada cagta, waxaana ugu wacnaa sida waalida ah ee dib qalooca oo kale ee uu kubadaha u celin jiray iyo weliba qaabka uu tinta u sameysto.

Haatan uu 52 sanno jir yahay waxa uu weli leeyahay timihii caanka ahaa ee lagu yaqiinay.

Rene Higuita ayaana sameeyay balanqaad cajiib ah ka hor tartanka Copa America ee bishaan ka bilaabanaya dalka Barzil.

“Haddii Colombia ay qaadi weyso koobka markaas waxaan iska xiiri doonaa timaha” ayuu yiri ka hor tartanka Copa America sida ay qortay jariirada Marca.

Higuita ayaana sida cad kalsooni ku qaba fursada dalkiisa u heysto tartanka Copa America ee ka dhacaya Barzil, waxaana uu sharaxaad ka bixiyay sababta:

“Colombia waxay ciyaareysaa kubad aad u fiican” ayuu yiri.

“Waxaan u baahanahay inaan taageerno tababaraha geesiga ah Carlos Queiroz. Waxaan rajeynayaa inaan natiijada guusha heli doono.”

Tartanka Copa America waxa uu Brazil ka bilaabanayaa 14ka bishaan Juun, waxaana soo gabagaboobayaa 7da bisha soo socota ee July.

Colombia waxa ay Group B kula jirtaa xulalka Argentina, Paraguay iyo xulka martida ku ah tartankaan ee Carbeed Qatar.

Kulanka ugu soo horeeya xulak Colombia ee Group B waxa ay 15ka bisha la ciyaari doonaan xulka Argentina, kulan kaasoo tijaabo adag u noqon doono.

Kulankooda labaad ee Group B waxa ay wajihi doonaan xulka yar ee Qatar ka hor inta aysan wajihin Paraguay.


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*