Kylian Mbappe Oo Rikoor Aysan Hore U Dhigin Messi Iyo Ronaldo Xalay Dhigay

Da’yarka xulka qaranka France iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa halkiisa ka sii waday in uu taariikh layaableh sameeyo isaga oo 20 sano jir ah wuxuuna xalay gaadhay heer kale oo lagu xusuusan doono.

Xulka qaranka France ayaa guul 4-0 ah iskaga maydhay guuldaradii xanuunka badnayd ee Turkey kaga soo gaadhay isreeb reebka Euro 2020 wuxuuna Kylian Mbappe dhaliyay goolkiisii 100 aad ee waayihiisa ciyaareed taas oo uu ku gaadhay isaga oo 20 sano jir kaliya ah.

Kylian Mbappe ayaa 180 kulan oo heerka kowaad ah waxa uu ku dhaliyay 100 gool waana arin taariikhi ah in uu goolashan dhaliyay isaga oo waliba 20 sano jir ah.

Wuxuu 100 gool ku gool ku gaaray 20 sannadood halka Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ay 100 gool ku gaareen iyagoo 22 sanno jir ah.

Mbappe waxa uu 60 gool u dhaliyay PSG, waxa uu 27 gool u dhaliyay Monaco halka uu 13 gool u dhaliyay xulka France.

Laakiin sidoo kale Kylian Mbappe waxa uu xalay noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee France ah ee hal xili ciyaareed gudihii ku dhaliyay 44 gool oo kala ah 39 gool oo uu PSg u dhaliyay iyo 5 gool oo uu xulkiisa u dhaliyay mana jiro xidig France ah oo hore heerkan u gaadhay.

Markii uu Kylian Mbappe taariikhdan sameeyay waxaa la hoos dhigay in uu Real Madrid ku biiri doono wuxuuna ku jawaabay: “Haddaba ma aha waqtigii Real Madrid laga hadli lahaa, markastaba wax isku mid ah ayaad i waydiisaan, laakiin waqtigeedii ma aha”.

Kylian Mbappe oo hore u sheegay in uu masuuliyad dheeraad ah u baahan yahay ayaa markan iska diiday in uu mustaqbalkiisa iyo wararka Madrid la xidhiidhinaya uu ka hadlo.


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*