“Xawaarihiisu Wuxuu I Xasuusiyaa Usain Bolt & Ronaldo Nazario, Waa Sababta Ay Man United U Iibsatay” – Saxeexa Cusub Ee Red Devils Daniel James Oo Amaan Loogu Qubeeyay.

Saxeexa cusub ee kooxda Manchester United Daniel James oo dhawaan kaga soo biiray dhinaca Swansea City ayaa amaan weyn ka helay tababaraha xulka Hungary ee Marco Rossi oo uu qarankiisu wajahi doono qaranka Wales ee da’yarkan.

James oo 21 sano jir ah ayay kooxdiisa Swansea iyo Man United ka heshiiyeen heshiis ku qabsoomi doona 18 Milyan oo uu labadan kooxood ugu kala wareegi doono lana filayo inuu heshiiska Old Trafford dhammaystiri doono kaddib waajibaadkiisa qaran.

Da’yarkan ayaa xilli ciyaareedkii dhawaa kasoo hilaacay kooxda Swansea City waxaana uu usoo dhaliyay afar gool isaga oo toddoba kale caawiyay 33 kulan oo uu kasoo muuqday waxaana intaas u dheer shaqo cajiib ah oo uu garoonka kasoo dhex qabanayay.

Tababare Rossi oo si weyn u amaanay Daniel James ayaa sheegay inuu ku xasuusto ninka siddeed jeer kusoo guuleystay ciyaaraha orodka ee Olymic-da ee Usain Bolt iyo halyeeygii ree Brazil ee Ronaldo Nazario.

Marco Rossi ayaa yidhi “Xawaaraha James waxa uu i xasuusiyaa midka Usain Bolt, In la noqdo mid sidaa u xawaare badan sidiisa oo kale waa wax cajiib ah”

“Sanadihii ugu dambeeyay ma xasuusto ciyaartoy ii muujiyay dareenkan, Karaarkiisu waa mid aan caadi ahayn taas oo ah sababta ay Manchester United u iibsatay”

“Wakhtigii hore waxaan wajahay ciyaartoy aad u xawaare badan kaasoo aniga ahaan ahaa midka ugu wanaagsan kaddib Maradona waa Ronaldo”

“Isaga (Ronaldo Nazardio) kaliya laguma aqoon xawaare laakiin waxa lagu yaqaanay waxkasta, Karaarkiisu waxa uu u ekaa midka James”


1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*