Sababta Keeni Karta In Matthijs de Ligt Uu Iska Diido Barca Iyo Man United Kuna Biiro PSG Oo La Ogaaday

MATTHIJS DE LIGT ayaa iska diidi kara labada kooxood ee Manchester United iyo Barcelona kuna biiri kara Paris Saint-Germain.

Daafaca dhexe ee Holland oo 19 sanno jir ah ahaa ka mid ah xiddigaha sida weyn loo raadinayo ka dib xilli ciyaareed cajiib ah uu la qaatay Ajax.

Matthijs de Ligt ayaa go’aan weyn ka gaaraya mustaqbalkiisa iyadoo saxiixiisa ay ku tartamayaan kooxaha ugu waa weyn Yurub.

Waxa uu ka tagi doonaa Holland xagaagan laakiin weli ma uusan go’aansan kooxda cusub ee uu ku biirayo iyadoo Liverpool iyo Juventus ay sidoo kale xiiseynayaan.

ESPN ayaa sheegtay in Barcelona ay isku daygii ugu dabeeyay ee saxiixa De Ligt sameyn doonto isbuucaan iyagoo wadahadalo dib u la furaya wakiilkiisa Mino Raiola.

Kooxda Catalans ayaa aaminsaneyd inay saxiixiisa ku guuleysteen madaaama ay bishii March u soo bandhigeen mushahar uu isbuucii ku qaadanayo 115 kun ginni, laakiin PSG ayaa meel lama filaan ah uga soo baxday iyagoo u balanqaaday 260 kun ginni isbuucii.

Sida ay sheegtay jariirada Daily Mail, kooxda lacagta badan ee Faransiiska ayaa kalsooni ku qabta inay ku guuleysaneyso tartanka xiddiga kagu qiimeeyo 80 milyan ginni.

Wakiil Mino Raiooa ayaa xiriir fiican la leh agaasimaha PSG Leonardo taasoo muhim u noqon karta wadahadalada.

De Ligt ayaa isna shaqsi ahaantiisa diiday inuu kooxna tartanka ka saaro taaasoo weli rajo gelineysa Barca iyo Man United laakiin waxa uu kooxaha doonaya u sheegay inay sugaan ilaa dhowr isbuuc inta uu ka soo dhameysanayo fasaxiisa si ay u maqlaan go’aankiisa.

Cristiano Ronaldo ayaa ugu baaqay inuu u saxiixo Juventus halka xiddiga ay isku kooxda ahaayeen De Jong uu doonayo inuu kula biiri Barcelona.

Kabtanka Ajax ayaa sheegay inuu isaga go’aanka gaari doono islamarkaana aysan dhiirogelin doonin lacag.


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*