Haddii Aan Barcelona Ku Biiro Sababtu Waa Lionel Messi- Xidig Paris Saint-Germain Ka Tirsan Oo Messi Awgii Camp Nou U Iman Kara.

Xidigii hore ee kooxda Real Madrid isla markaana hadda ka tirsan kooxda Paris Saint-Germain ee Angel Di Maria ayaa soo bandhigay sida uu jacaylka Lionel Messi sabab ugu noqon karo in uu Camp Nou ku soo biiro.

Angel Di Maria ayaa xagaagii la soo dhaafay si xoogan loola xidhiidhinayay Barcelona ka hor intii ayna Philippe Coutinho la soo saxiixan laakiin xidiga reer Argentina ayaa markale albaabka u furay suurtogalnimada uu Barca ugu soo biiri karo.

Angel Di Maria oo Messi ka hadlaya ayaa yidhi: “Anigu waxaan jecelahay la ciyaarista Messi. Waxaan sidoo kale jecelahay in aan isaga ku daawado tababarka, waxa uu sameeyo isagu, waa wax khaas ah, waa wax aan macquul ahayn in la sharaxo”.

Intaas kadib Angel Di Maria ayaa soo bandhigay sida uu waqti ugu dhawaaday in uu Barcelona ku biiray wuxuuna yidhi: “Anigu waxaan helay fursada aan Barcelona ugu tagi karayay balse may dhicin. Xaqiiqdu waxay tahay in haddii aan doonayo in aan tago, in ay isaga (Messi) sababtu ahaan lahayd si aan maalinkastaba isaga u arko”.

“Marka uu isagu kubbada haysto anigu daawade ayaan ahay” ayuu Angel Di Maria  oo la dhacsan qaab ciyaareedka Lionel Messi uu hadalkiisa sii raaciyay.

Angel Di Maria oo wax laga waydiiyay xidhiidhka uu la leeyahay kooxdiisii hore ee Real Madrid ee uu Barca kula soo xifiltamay ayaa yidhi: “Xidhiidhkaygii aan la lahaa Real Madrid wuu soo dhamaaday, sababtoo ah wareegii halkaas wuu dhamaaday”.

Miyuu Angel Di Maria  wax dhibaato ah u arkaa in uu Barcelona u ciyaaro? isaga oo xidiga reer Argentina arintan kala cadaynaya ayuu yidhi: “Anigu wax dhibaato ah uma qabo in aan u ciyaaro Barcelona. Kooxda kaliya ee aanan u saxiixi karin waa Newell’Old Boys sababtoo ah waxaan taageere wayn u ahay Rosario Central”.


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*