Andrew Robertson Oo Doortay Xiddigii Ugu Fiicnaa Ee Uu Kahor Tagay Mana Ah Ronaldo, Messi, Neymar, Mbappe & Kane!!.

Daafaca bidix ee kooxda Liverpool ee Andrew Robertson ayaa doortay xiddigii ugu adkaa ee uu kahor tagay waayihiisa ciyaareed isaga oo labadii sano ee uu Liverpool lasoo qaatay xiddigo badan oo magac leh wajahay.

Robertson ayaa lasoo kulmay mudadaas xiddigo ay kamid yihiin Cristiano Ronaldo, Lionel Messi, Neymar, Mbappe, Harry Kane, Sterling iyo Sergio Aguero balse saxeexa cusub ee Real Madrid Eden Hazard ayuu u arkaa midkii ugu fiicnaa ee uu wajahay.

Robertson oo uu xulkiisa Scotland kulan kamid ah kulamada isreeb-reebka Yurub kula balansan yihiin Belgium-ka oo uu Hazard ka tirsan yahay ayaa amaan ugu qubeeyay 28 jirkan.

Robertson oo ka hadlaya wax ku saabsan Hazard ayaa sheegay inuu u qalmo u dhaqaaqista uu u dhaqaaqay Real Madrid isaga oo waliba ku amaanay inuu yahay ciyaartoy khaas ah.

Andrew ayaa yidhi “Sida iska cad waxa jiray warar badan oo xan ah oo isaga ku saabsan waanan hubaa inuu faraxsanaan doono marka ay dhammaato ee uu dhammaystiro”

“Isagu ku dhawaad wa ciyaartoyga ugu fiican ee aan kahor tagay marka ay maalintiisa tahay ee kulamadii Premier League, Isagu wuu u qalmaa u dhaqaaqistiisa (Real Madrid)”

“Isagu wuu u qalmaa dhammaan amaanta uu helo waa ciyaartoy cajiib ah, Ciyaartoy heer caalami ah iyo ku dhawaad mid kamid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan dunida wakhti xaadirkan”

“Wuu u qalmaa u dhaqaaqistiisa laakiin waxa ay iskugu imanaysaa dhammaan inaan u muujino ixtiraam laakiin anaga oo isku dayayna in aanan u muujin amaan xad dhaaf ah ama inaanu ka cabsanayno”

Eden Hazard is the best player I've faced - Andy Robertson

 


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*