Wayne Rooney: “Leo Messi & Cristiano Ronaldo Xitaa Ma Xalin Karaan Dhibaatada Heysata Manchester United.”

Ciyaaryahankii hore ee Manchester United Wayne Rooney ayaa ka hadlay shaqada u baahan in laga qabto kooxdiisa hore iyo sida aysan xal degdeg ah u keeneynin in saxiixyo qaali ah lala soo wareego xagaan.

Rooney ayaa aamin in haddii kooxda la wareegto Lionel Messi, Cristiano Ronaldo, Sergio Ramos iyo Gareth Bale inaysan xal waara u keeneynin Manchester United.

“Waxa ugu horeeya ee Ole Gunnar Solskjaer uu u baahan yahay waa inuu dib u dhiso kooxda, uma maleynayo in ciyaaryahan ama laba laga soo bixiyay 100 milyan ginni inay caawineyso ciyaartoyda halkaas jooga haatan” ayuu Wayne Rooney u sheegay BBC.

“Waxaad keeni kartaa ciyaartoyda sida Ronaldo, Messi, Ramos ama Bale laakiin qiimahooda wuxuu gaari karaa 350 milyan ginni, waxaadna qaab ciyaareed fiican ka heli kartaa kaliya labo sannadoo, lacagtiina waa ay ka baxday.”

Wayne Rooney ayaa aaminsan inay jirto wado ka fiican in lacag badan lagu qarashgareeyo ciyaartoy da’ ah.

“Ole Gunnar Solskjaer waa inuu 30 ilaa 40 milyan ginni ku qarashgareeyo ciyaartoy mustaqbal leh, islamarkaana uu kooxda ku dhiso shantaas ama lixdaas ciyaartoy.”

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa la filayaa inuu si weyn uga dhex muuqdo suuqa kala iibsiga iyadoo kooxdiisa ay durbaba 15 milyan ginni kula soo wareegtay da’ yarka mustaqbalka leh Daniel James.

waxay qarka u saaran yihiin inay 60 milyan ginni kula soo wareegaan daafaca Crystal Palace Aaron Wan-Bissaka halka ay sidoo kale amaah labo ciyaareed ah ku doonayaan xiddiga Real Madrid Gareth Bale.


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*